Home Dhacdooyin Mareykanka oo weerar culus oo aargudasho ah ka gaystay Ciraaq iyo Suuriya

Mareykanka oo weerar culus oo aargudasho ah ka gaystay Ciraaq iyo Suuriya

by Laacib

Ciidamada Militariga Mareykanka ayaa xalay dhanka cirka ka garaacay bartilmaameedyo ku yaala dalalka Suuriya iyo Ciraaq.

Duqaymahan oo lagu sheegay kuwii ugu xooganaa ee Mareykanka uu ka fuliyo dalalkaasi, tan iyo intii ay colaadda dib uga soo cusboonaatay Bariga Dhexe ayaa looga aargudanayay weerarka diyaaradda aan duuliyaha lahayn loo adeegsaday ee Axaddii lagu qaaday saldhigga ay ciidamadiisa ku leeyihiin waqooyi bari Jordan, oo lagu dilay saddex askari, in ka badan 40 kalena ay ku dhaawacantay.

Wararka ayaa sheegaya in Militariga Mareykanka ay 85 duqayn ku beegsadeen goobo u badan saldhigyo ay Ciidanka Ilaalada Kacaanka Iran ku leeyihiin dalalkaasi.

Ciidamada Mareykanka ayaa sidoo kale garaacay xarumo ay leeyihiin kooxaha ay Iran taageerto ee ka hawlgala dalalkaasi.

Taliska Dhexe ee Ciidamada Mareykanka ayaa sheegay in saldhigyada iyo goobaha kale ee la weeraray ay isugu jiraan talisyo ciidan, xarumo ay ku shaqeeyaan mukhaabaraadka, kaydka diyaaradaha aan duuliyaha lahayn, xarumaha saadka iyo goobo kale, oo ay adeegsanayeen Ilaalada Kacaanka Iran iyo xoogaga kale ee Iran ay taageerto.

“Waxaan samayn doonnaa wax kasta oo lagama maarmaan ah.” Ayaa lagu yiri bayaanka ka soo baxay Taliska Dhexe ee Ciidamada Mareykanka.

General Michael Erik Kurilla oo ah Taliyaha Taliska CENTCOM ayaa qoraal uu soo saaray ku sheegay “Waxaan sii wadi doonnaa inaan tallaabo qaadno, oo aan samayn doono wax kasta oo lagama maarmaan ah, si aan u ilaalino dadkeenna, gacantana aan ku soo dhigno kuwa masuulka ka ah khatarta ka dhanka ah ammaankooda.”

Madaxweyne Joe Biden oo war ka soo saaray weeraradan ayaa ku hanjabay in ay jiri doonaan duqaymo kale oo Mareykanka uu ka gaysan doono dalalkaasi.

Saraakiisha Mareykanka ayaan sheegin khasaaraha ka dhashay duqaymaha ay ka gaysteen labadaasi dal.

Dhanka kale Dowladda Ciraaq ayaa cambaareysay duqaymaha ay diyaaradaha dagaalka Mareykanka ka fuliyeen dalkaasi.

“Weeraradani waa kuwo xadgudub ku ah madaxbannaanida Ciraaq, waxayna wiiqayaan dadaalada Dowladda Ciraaq, iyadoo Ciraaq iyo gobolkaba ay ku riixi doonaan cawaaqib aan la fileynin.” Ayaa lagu yiri bayaan ka soo baxay dowladda dalkaasi.

Baghdad ayaa ka walaacsan waxyeelo kasta oo duqaynta ka soo gaarta kooxaha hubeysan ay dalka u horseedi doonto meel ay ku hardamaan kooxahaasi iyo Ciidamada Mareykanka.

Kooxahan oo sheegtay masuliyadda weerarka Ciidamada Mareykanka lagu la eegtay dalka Jordan ayaa maalin ka dib ku dhawaaqay in ay joojiyeen weerarada ka dhanka ah Mareykanka, sababo ku aaddan dadaalada ay hormuudka ka tahay Baghdad ee la doonayo in ay dalka isaga baxaan isbahaysiga uu Mareykanka hoggaamiyo ee ku sugan dalkaasi.

Weerarada aargushada Mareykanka ayaa u muuqdo kuwo kaga sii daraya xiisadda muddooyinkii ugu dambeysay ka taagneyd gobolka.

Nagala soo xiriir: dhacdo@gmail.com

You may also like

Nagala soo xiriir: dhacdo@gmail.com

Copyright © 2023 Dhacdo.com All Rights Reserved.

Designed & Developed by  KaDiiL Technology Inc