Home Wararka Caalamka Mareykanka oo weeraraya danaha Iran ee Bariga Dhexe

Mareykanka oo weeraraya danaha Iran ee Bariga Dhexe

by Laacib

Mareykanka ayaa soo saaray digniin uu kaga aargoosanayo kooxaha ay Iran taageerto iyo xitaa bartilmaameedyada ay Iran ku leedahay gobolka.

Washington ayaa ansixisay qorsheyaal weeraro is xigxiga looga gaysanayo bartilmaameedyada ay Iran ku leedahay dalalka Ciraaq iyo Suuriya iyo weliba kooxaha ay taageerto ee ka hawlgala dalalkaasi.

Digniinta Mareykanka ayaa ku wajahan in la beegsan doono saldhgyada ay Iran ku leedahay labadaasi dal iyo weliba shaqaalaha Tehran ee halkaasi ku sugan.

Wasiirka Difaaca Mareykanka, Austin Lloyd ayaa sheegay in dalkiisu uu xaq u leeyahay inuu ka aargoosto xoogaga xiriirka la leh Iran ee weerarada ku haya danihiisa gobolka.

“Tani waa waqti khatar ah oo ka jira Bariga Dhexe. Waxaan sii wadi doonnaa inaan ka shaqayno inaan ka fogaano dagaal ka ballaaran midka hadda jira, balse waxaan qaadi doonnaa dhammaan tallaabooyinka lagama maarmaanka ah, si aan u difaacno Mareykanka, danaheenna iyo dadkeenna.” Ayuu yiri Wasiirka.

Wasiirku ma sheegin goobaha ay doonayaan inay beegsadaan iyo xilliga ay weerarada qaadi doonaan, ha yeeshee waxaan uga jawaabi doonnaa buu yiri marka aan doorano.

“Waxaan uga jawaabi doonnaa marka aan doorano, meesha aan doorano iyo sida aan annaga u doorano.” Ayuu yiri Wasiirka oo carabka ku adkeeyay “Waa inaan ka gaysanaa gacan ka kulul tii hore.”

Mareykanka ayaa ka careysan weerarka Axaddii ciidamadiisa loogu gaystay saldhigga ay kaga sugan yihiin waqooyi bari Jordan, weerarkaas oo galaaftay nolosha saddex askari, tobanaan kalena ay ku dhaawacantay, waana weerarkii ugu waxyeelada badnaa ee ciidamadiisa loogu gaysto Bariga Dhexe, ka dib xiisadda adag ee ka dhalatay duulaanka Israel ee Marinka Gaza.

Iran ayaa mar sii horreysay Mareykanka uga digtay in uu la kulmi doono cawaaqib daran, haddii uu soo weeraro Jamhuuriyadda Islaamiga ah, danaheeda gobolka iyo isku day kasta oo muwaadiniinteeda uu ku dhibaateyn karo.

Weeraradan xiriirka ah ee Mareykanka uu ku hanjabay ayaa sii hurin kara colaadda muddooyinkii ugu dambeysay ka jirtay gobolka.

Nagala soo xiriir: dhacdo@gmail.com

You may also like

Nagala soo xiriir: dhacdo@gmail.com

Copyright © 2023 Dhacdo.com All Rights Reserved.

Designed & Developed by  KaDiiL Technology Inc