Home Wararka Caalamka Mareykanka oo weji gabax kala kulmay Australia, markii ay diiday hawlgalka Badda Cas

Mareykanka oo weji gabax kala kulmay Australia, markii ay diiday hawlgalka Badda Cas

by Laacib

Dowladda Australia ayaa iska diiday in ay maraakiibteeda dagaalka ku biiraan isbahaysiga uu hoggaaminayo Mareykanka ee la doonayo in lagu la dagaalamo weerarada Xuuthiyiinta Yemen ee Badda Cas.

Mareykanka ayaa Isniintii ku dhawaaqay isbahaysi ka kooban 10 dal, ka dib markii ay kordheen weerarada Xuuthiyiinta ee ka dhanka ah maraakiibta ganacsiga, gaar ahaan kuwooda u socda Israel.

Mareykanka ayaana Australia ka codsaday in ay kaalin mug leh ka qaadato hawlgalka Badda Cas, isla-markaana ay u soo dirto maraakiibta iyo diyaaradaheeda dagaalka.

Australia ayaa Mareykanka u sheegtay in ay u soo direyso shaqaale, haddii ay u baahan yihiin, si loo xoojiyo dadaalada lagu sugayo marinka maraakiibta caalamiga ah, balse aanay markab qura u soo diri doonin Badda Cas.

“Markab ama diyaarad uma diri doono Badda Cas.” Ayuu yiri Wasiirka Gaashaandhigga Australia, Richard Marles oo Warbaahinta la hadlay.

Wasiirka ayaa yiri “Hadda waxaanu haynaa 5 shaqaale oo diyaar ah, kuna xiran Taliska Dhexe ee Ciidamada Badda, bisha soo socotana tiradaasi waxay noqon doontaa 16.”

Weerarada Xuuthiyiinta ayaa caqabad weyn ku noqday ganacsigii wax soo dejinta iyo dhoofinta ee Dekedaha Israel, oo hadda u muuqdo kuwo joojiyay howlihii shaqo ee ka socday.

Mareykanka oo gadaal ka riixaya dalalka xulafada NATO iyo kuwa gobolka ayaa isku dayaya in la qaado go’doominta Dekedaha Israel, balse ay taasi sii hurin karto colaadda ka aloosan Bariga Dhexe.

Xuuthiyiinta ayaa ballanqaaday in ay joojin doonaan weerarada iyo go’doominta Israel, haddii Tel Aviv ay soo afjarto duulaankeeda Gaza, dadkana ay u ogolaato gargaarka ay sida weyn ugu baahan yihiin.

Nagala soo xiriir: dhacdo@gmail.com

You may also like

Nagala soo xiriir: dhacdo@gmail.com

Copyright © 2023 Dhacdo.com All Rights Reserved.

Designed & Developed by  KaDiiL Technology Inc