Home Wararka Maanta Mareykanka oo xaqiijiyay in ciidamadiisa qarax lagu la eegtay duleedka Kismaayo

Mareykanka oo xaqiijiyay in ciidamadiisa qarax lagu la eegtay duleedka Kismaayo

by Laacib

Taliska Ciidamada Mareykanka ee Qaaradda Afrika (AFRICOM) ayaa sheegay in duleedka Magaalada Kismaayo qarax lagu la eegtay kolonyo ay la socdeen Ciidamada Mareykanka iyo kuwa Kumaandooska Danab.

Qarax xoogan ayaa saakay laga maqlay inta u dhaxeyso deegaanada Birta Dheer iyo Harboole, xilli ay marayeen kolonyada ay wateen labada ciidan.

Al Shabaab ayaa sheegtay in qarax lagu diyaariyay waddada dhinaceeda lagu burburiyay gaari gaashaaman, oo Ciidamada Mareykanka u saarnaa anteenooyin.

Al Shabaab ayaa qoraal ku sheegtay in sidoo kale uu qaraxaasi khasaare dhimasho iyo dhaawacba leh ka soo gaaray Ciidamada Mareykanka.

Taliska AFRICOM ayaase beeniyay sheegashada Al Shabaab ee ku aaddan in qaraxa uu waxyeelo ka soo gaaray ciidamadooda.

Taliska ayaa sheegay inaanu jirin wax khasaare ah oo labada ciidan ka soo gaaray qaraxaasi.

Nagala soo xiriir: dhacdo@gmail.com

You may also like

Nagala soo xiriir: dhacdo@gmail.com

Copyright © 2023 Dhacdo.com All Rights Reserved.

Designed & Developed by  KaDiiL Technology Inc