Home Wararka Caalamka Mareykanka oo Xuuthiyiinta ku daray liiska argagixisada caalamiga ah

Mareykanka oo Xuuthiyiinta ku daray liiska argagixisada caalamiga ah

by Laacib

Dowladda Mareykanka ayaa mar kale Ururka Xuuthiyiinta Yemen ku dartay liiska argagixisada caalamiga ah, ka dib markii ay kordhiyeen weeraradooda ka dhanka ah maraakiibta ganacsiga ee mareysa Badda Cas iyo Gacanka Carabta.

Tallaabada Mareykanka uu saddex sano ka dib uu Xuuthiyiinta Yemen ugu celiyay liiska argagixisada ayaa timid, ka dib markii Mareykanka uu bilaabay in duqaymo uu ka gaysto bartilmaameedyada Xoogaga Xuuthiyiinta, si looga jawaabo weerarada ay ku hayaan maraakiibta.

Weerarada Xuuthiyiinta ayaa la sheegaya in ay hoos u dhigeen ganacsigii Asia iyo Yurub, isla-markaana ay xoojisay baqdinta caalamiga ah ee ku aaddan in colaadda Gaza ay ku baahdo gobolka.

Xuuthiyiinta Yemen ayaa dhegaha ka fureystay baaqyadii Mareykanka iyo Midowga Yurub ee looga dalbanayo inay joojiyaan weeraradooda ay ku beegsanayaan maraakiibta isticmaasha marin biyoodka mashquulka badan ee Badda Cas.

Xuuthiyiinta ayaa sheegay in weeraradooda ay yihiin kuwo ay ku bartilmaameedsanayaan oo keliya maraakiibta xiriirka la leh Israel, ayna sii wado doonaan, illaa iyo inta ay Israel ka soo afjareyso duulaankeeda Gaza.

“Iyadoo laga jawaabayo hanjabaadahan iyo weeraradan sii socda, Mareykanku wuxuu ku dhawaaqay in Ansarallah oo sidoo kale loo yaqaan Xuuthi uu yahay urur argagixiso oo caalami ah.” Ayuu yiri La taliyaha Amniga Qaranka ee Mareykanka, Jake Sullivan

Sullivan ayaa sheegay in tani ay uga gol leeyihiin in Xuuthiyiinta looga hor istaago galaangalkooda suuqyada maaliyadeed, lagu lana xisaabtamo falalkooda.

Weerarada militari ee Mareykanka iyo Britain ayaa u muuqdo kuwo aan wax weyn ka bedelin xaaladda, maadaama ay Xuuthiyiinta sii wadaan weeraradooda.

Xulafada Mareykanka ayaa isku dayaya in ay burburiyaan qalabka wax laga hago iyo goobaha laga kiciyo diyaaradaha aan duuliyaha lahayn ee qaybta ka ah waxyaabaha ay Xuuthiyiinta u adeegsadaan weeraradooda maraakiibta.

Nagala soo xiriir: dhacdo@gmail.com

You may also like

Nagala soo xiriir: dhacdo@gmail.com

Copyright © 2023 Dhacdo.com All Rights Reserved.

Designed & Developed by  KaDiiL Technology Inc