Home Wararka Caalamka Mareykanka oo hoggaamin doono isbahaysi 10 dal oo ka hortagga weerarada Xuuthiyiinta

Mareykanka oo hoggaamin doono isbahaysi 10 dal oo ka hortagga weerarada Xuuthiyiinta

by Laacib

Dowladda Mareykanka ayaa ku dhawaaqday isbahaysi ka kooban ciidamada 10 dal, kuwaa oo ka hortaggaya weerarada Xuuthiyiinta Yemen ee ka socda Badda Cas.

Wasiirka Difaaca Mareykanka, Lloyd Austin ayaa sheegay in ciidamada caalamiga ah ay ilaalin doonaan ganacsiga caalamiga ah ee Badda Cas, ka gadaal markii ay Xuuthiyiinta kordhiyeen weerarada ka dhanka ah maraakiibta ku wajahan Dekedaha Israel.

Weerarada Xuuthiyiinta ayaa maraakiibta ganacsiga caalami ah ku khasbay inaanay adeegsan marinka Bab al-Mandeb ee isku xira Badda Cas iyo Gacanka Cadmeed.

Wasiirka Difaaca Mareykanka ayaa sheegay in Dowladaha Bahrain, Canada, Faransiiska, Talyaaniga, Ingiriiska iyo Seychelles ay ka mid noqon doonaan wadamada 10-ka dal ee ilaalinaya ammaanka badda.

“Wadamada doonaya in ay ilaaliyaan mabda’a aasaasiga ah ee xorriyadda socodka waa in ay isu yimaadaan, si ay wax uga qabtaan caqabadda uu keenay jilaagan aan dowliga ahayn.” Ayuu yiri Wasiirka.

Wasiirka ayaa intaasi ku daray “Weerarada ay gaysanayaan Xuuthiyiinta waa mid aan kaga jawaabi karno oo keliya ficil wadajir ah.”

Dowladda Mareykanka ayaa si weyn uga walaacsan go’doominta ay Xuuthiyiinta Yemen geliyeen Dekedaha Israel, taas oo si weyn u dhaawacday wax soo dejinta iyo dhoofinta ee dekedahaasi.

Xuuthiyiinta ayaa horaan caddeeyay inaanay weerari doonin maraakiibta kale ee adeegsata Badda Cas, aan ka ahayn kuwa ku sii jeeda Dekedaha Israel iyo kuwa kale ee ka soo ambabaxa.

Xuuthiyiinta ayaa go’doomintoodan kaga jawaabaya weerarada arxan-darada ah ee Israel ka gaysaneyso Marinka Gaza iyo cunaqabateynta ay ku hayso dadka reer Gaza.

Dowladaha Carabta, sida Sacuudiga iyo Emirate-ka Carabta ayaan qayb ka ahayn isbahaysiga uu hoggaamin doono Mareykanka, iyadoo Bahrain ay tahay dalka keliya ee Carbeed ee dalalka la sheegay inay ilaalin doonaan maraakiibta ganacsiga ee Badda Cas.

Ma cadda in Golaha Iskaashiga Khaliijka ay dib kaga biiri doonaan hawlgalkan, inkastoo la sheegayo in Jordan iyo Masar ay qayb ka noqon karaan isbahaysiga.

Nagala soo xiriir: dhacdo@gmail.com

You may also like

Nagala soo xiriir: dhacdo@gmail.com

Copyright © 2023 Dhacdo.com All Rights Reserved.

Designed & Developed by  KaDiiL Technology Inc