Home Dhacdooyin Markab dagaal oo Mareykanka uu leeyahay iyo maraakiib kale oo lagu weeraray Badda Cas

Markab dagaal oo Mareykanka uu leeyahay iyo maraakiib kale oo lagu weeraray Badda Cas

by Laacib

Wasaaradda Difaaca Mareykanka ee Pentagon-ka ayaa sheegtay in markab ay leeyihiin Ciidamada Badda Mareykanka lagu weeraray Xeebaha Badda Cas.

Wasaaradda ayaa sheegtay in Axaddii gantaal nooca balaastikada ah oo laga soo tuuray dalka Yemen lagu weeraray markabka USS Carney, oo ah mid wax burburiya, xilli uu gurmad u fidinayay maraakiib ganacsi oo lagu weeraray Badda Cas.

Waaxda Pentagon-ka ayaa sheegtay in markabkooda oo weerarkaasi ka hortegay aanay jirin wax waxyeelo ah ka soo gaartay, isla-markaana uu soo riday laba ka mid ah diyaaradaha drone-ka oo lagu weeraray saddex markab oo watay Calamada Panama iyo Bahamas.

Pentagon-ka ayaa ku warantay in mid ka mid ah gantaaladii weerarka loo adeegsaday uu waxyeelo u gaystay markabka Unity Explorer, oo watay Calanka Bahamas.

Taliska Dhexe ee Militariga Mareykanka ayaa sheegay in Xuuthiyiinta Yemen ay gantaalo ku weerareen laba markab oo kale oo watay Calanka Panama. Taliska ayaa magacyada maraakiibtan ku kala sheegay Number 9 iyo Sophie II.

Taliska ayaa bayaan uu soo saaray ku sheegay in markabka Number 9 uu wa-xoogaa waxyeelo ka soo gaaray gantaal haleelay, balse ma jirto bay yiraahdeen cid wax ku noqotay.

Afhayeenka Ciidamada Xuuthiyiinta Yemen, Yahya Saree ayaa sheegay in Ciidamada Yemen ay weerareen maraakiibta Number 9 iyo Sophie II, kuwaa oo laga leeyahay buu yiri Israel.

Afhayeenka ayaa Warbaahinta u sheegay in weerarada maraakiibtaasi ay u adeegsadeen diyaaradaha nooca aan duuliyaha lahayn iyo weliba gantaalo.

Yahya Saree ayaa tilmaamay in maraakiibtaasi ay ku kadsoomeen Mareykanka oo u sheegay sida uu yiri in ay adeegsan karaan marin biyoodka Badda Cas, isla-markaana ay ku sugan yihiin maraakiibtiisa dagaalka.

Yahya Saree ayaa ku hanjabay in ay bartilmaameedsan doonaan maraakiibta Israel, haddii ay ku soo dhiiradaan in ay adeegsadaan biyaha Badda Cas. Waxa uu sheegay in weeraradooda ay jawaab u yihiin xasuuqa Ciidamada Israel ka wadaan Marinka Gaza.

Taliska Dhexe ee Ciidamada Mareykanka ayaa sheegaya in weeraradani ay khatar ku yihiin ganacsiga caalamiga ah iyo ammaanka Badda Cas.

“Weeraradani waxay si toos ah khatar ugu yihiin ganacsiga caalamiga ah iyo ammaanka badda.” Ayaa lagu sheegay bayaanka ka soo baxay Taliska Dhexe ee Ciidamada Mareykanka.

Bayaanka ayaa lagu yiri “Waxay halis geliyeen nolosha shaqaalaha caalamiga ah ee metelaya wadamo badan oo adduunka ah.”

Taliska ayaa muujiyay in weeraradan ay gadaal ka riixeyso Dowladda Iran, oo shalay ka digtay in duulaanka Israel ee shacabka Falastiiniyiinta ay ka dhalan doonto jawaab celin gobolka ah.

“Waxaan sidoo kale haysanaa sabab kasta oo aan ku aamino in weeraradan, oo ay bilaabeen Xuuthiyiinta Yemen, ay si buuxdo u awoodday Iran.” Ayaa lagu yiri bayaanka Taliska Dhexe ee Ciidamada Mareykanka.

Nagala soo xiriir: dhacdo@gmail.com

You may also like

Nagala soo xiriir: dhacdo@gmail.com

Copyright © 2023 Dhacdo.com All Rights Reserved.

Designed & Developed by  KaDiiL Technology Inc