Home Wararka Maanta Markab ganacsi oo lagu afduubtay meel u dhow Xeebaha Somaliya

Markab ganacsi oo lagu afduubtay meel u dhow Xeebaha Somaliya

by Laacib

Markabkan oo watay Calanka Liberia ayaa lagu weeraray meel ku dhow Xeebaha Somaliya, xilli uu ku sii jeeday dalka Bahrain.

Hay’adda La socodka Ganacsiga Badda ee Britain ayaa sheegtay in markabka lagu weeraray meel 460NM dhanka bari kaga beegan Degmada Eyl ee Gobolka Nugaal.

Hay’adda ayaa sheegtay in illaa lix nin oo hubeysan ay Khamiistii fuuleen markabkan, oo aanay magaciisa magacaabin.

Hay’adda ayaa war ay soo saartay ku sheegtay in shaqaalihii markabka ay ku dhuunteen qolka badbaadada ee markabka.

Hay’addu wax tafaasiil ah kama bixin halka loola dhaqaaqay markabkaasi iyo weliba xaaladda shaqaalihii la socday.

Weerarkan ayaa noqonaya kiisii 25aad ee lagu qaado maraakiibta ganacsiga caalamiga ah, tan iyo bartamihii bishii November, markabkaas oo Xuuthiyiinta Yemen ay bilaabeen weeraradooda ka dhanka ah maraakiibta laga leeyahay Israel iyo kuwa kale ee ku wajahan Dekedaha Israel.

Maraakiibta ganacsiga caalamiga ah ayaa dhibane u noqday weerarada baahsan, ee ay Ciidamada Israel ka wadaan Marinka Gaza.

Nagala soo xiriir: dhacdo@gmail.com

You may also like

Nagala soo xiriir: dhacdo@gmail.com

Copyright © 2023 Dhacdo.com All Rights Reserved.

Designed & Developed by  KaDiiL Technology Inc