Home Wararka Maanta Markab ganacsi oo mar kale lagu weeraray Badda Cas

Markab ganacsi oo mar kale lagu weeraray Badda Cas

by Laacib

Gantaal ayaa lagu weeraray markab ganacsi oo marayay Badda Cas, sida ay sheegtay Hay’adda La socodka Ganacsiga Badda ee Britain.

Hay’adda ayaa sheegtay in saacadihii dambe Jimcihii ay heshay warbixin sheegeysa in gantaal lagu soo riday markab ku sugnaa meel ka mid ah badda, kaas oo aan wax dhaawac ama khasaare ah gaysan. Hay’addu ma bixin tafaasiil ku aaddan dalka laga leeyahay markabkaasi, nooca uu yahay, dalka uu ka yimid iyo dalka kale ee uu ku wajahnaa.

Hay’addu ayaa dhanka kale sheegtay in doomaha yaryar ee lagu soo sii daayay Badda Cas ay abuurayaan shaki ah in ay weerar ku yihiin maraakiibta.

“Doomaha yaryar ee maraya dhinaca Yemen ayaa aad ugu dhawaanaya maraakiibta, taasina waxay xoojineysaa shakiga ah inay weerarayaan maraakiibta.” Ayaa lagu yiri war ay soo saartay hay’addu.

“Laba doomood oo yaryar ayaa daba socday markab, in ka badan saacad, inkastoo aysan wax weerar ah gaysan.” Ayaa lagu sheegay warka.

Warka ayaa lagu yiri “Weerarka shakiga abuuray ayaa ka dhacay meel 80NM koonfur bari kaga beegan Magaalada Cadan.”

Mareykanka iyo Ingiriiska ayaa aroornimadii Jimcihii bilaabay weeraro xagga cirka ah, oo sida ay sheegeen ay ku joojinayaan weerarada Xuuthiyiinta ee ka dhanka ah maraakiibta ganacsiga caalamiga ah.

Xuuthiyiinta ayaa ku hanjabay in ay ka aargudan doonaan weerarkaasi, iyagoona ku dhawaaqay in danaha Mareykanka iyo Ingiriiska ee gobolka ay yihiin bartilmaameed sharci ah.

Xuuthiyiinta ayaa ku celiyay inaysan bedeli doonin mowqifkooda ku aaddan in laga hortaggo maraakiibta ganacsi ee ku sii jeeda Dekedaha Israel, waana hawlgalka militari ee Badda Cas ee ay ku go’doominayaan dekedahaasi.

Nagala soo xiriir: dhacdo@gmail.com

You may also like

Nagala soo xiriir: dhacdo@gmail.com

Copyright © 2023 Dhacdo.com All Rights Reserved.

Designed & Developed by  KaDiiL Technology Inc