Home Wararka Caalamka Markab shidaal oo laga leeyahay dalka Ingiriiska oo ku gubanaya Gacanka Cadmeed

Markab shidaal oo laga leeyahay dalka Ingiriiska oo ku gubanaya Gacanka Cadmeed

by Laacib

Xoogaga Xuuthiyiinta Yemen ayaa gelinkii dambe ee Jimcihii Gacanka Cadmeed ku weeraray markab nooca shidaalka qaada ah, oo laga leeyahay dalka Ingiriiska.

Hay’adda La socodka Ganacsiga Badda ee Britain ayaa sheegtay in gantaalo lagu weeraray markabka Marlin Luanda, isla-markaana uu ku gubanayo meel wa-xoogaa ka baxsan Magaalada Cadan.

Hay’adda ayaa sheegtay in weerarka uu ka dhacay meel qiyaastii 60NM (Nautical miles) kaga beegan Magaalada Cadan.

Hay’adda ayaa sheegtay in dhacdadan lagu wargeliyay maraakiibta dagaalka ee isbahaysiga Mareykanka ee ku sugan gobolka, isla-markaana ay wadaan dadaalo ay ugu gurmanayaan markabka.

Saraakiisha Taliska Dhexe ee Ciidamada Mareykanka ayaa xaqiijiyay in markabka Marlin Luanda uu gubanayo.

Ururka Xuuthiyiinta Yemen ayaa sheegtay masuuliyadda weerarka, iyagoona caddeeyay in Ciidamada Badda Yemen ay fuliyeen hawlgalka lagu bartilmaameedsaday markabkaasi.

Afhayeenka Militariga Xuuthiyiinta, Yahya Saree ayaa sheegay in tiro gantaalo ahi lagu weeraray markabkaasi, xilli uu marayay Gacanka Cadmeed.

“Ciidamada Badda Yemen waxay fuliyeen hawlgal bartilmaameed ah oo lagu beegsaday markabka saliidda ee Marlin Luanda ee laga leeyahay Britain.” Ayuu yiri Afhayeenka.

“Ciidamadayada ayaa weerarka u adeegsaday tiro gantaalo oo ku habboon bartilmaameedka. Weerarka wuxuu ahaa mid toos ah oo sababay in la gubo markabka.” Ayuu sii raaciyay Afhayeenku.

Ka dib markii Ciidamada Mareykanka iyo Ingiriiska ay 12-kii bishan bilaabeen inay weeraro ka gaystaan dalka Yemen, Xuuthiyiinta ayaa ku dhawaaqay in danaha Mareykanka iyo Ingiriiska ee Bariga Dhexe ay yihiin bartilmaameed sharci ah.

Saraakiisha Xuuthiyiinta ayaa sheegay in weerarada ay reer galbeedku ka gaysanayaan dalka Yemen aanay joojin doonin tallaabada ay Badda Cas uga mamnuuceen maraakiibta laga leeyahay Israel iyo kuwa kale ee ku wajahan dekedaheeda, isla-markaana ay sii wadi doonaan weeraradaasi, illaa iyo inta ay Israel ka joojineyso duulaankeeda ka dhanka ah dadka reer Gaza.

Mareykanka iyo Ingiriiska oo garab maray in la xaliyo colaadda Gaza ayaa si aan laga fiirsan weeraro ugu qaaday goobaha ay ka arrimiyaan Xuuthiyiinta Yemen, waana tan keentay in maraakiibta laga leeyahay dalalkaasi ay noqdaan, waxa ay Xuuthiyiinta ku sheegeen bartilmaameed sharci ah.

Mareykanka iyo Ingiriiska oo Israel ku garab siinaya weeraradeeda Gaza ayaa isku dayaya in ay hakiyaan weerarada ka imaanaya dhanka Xuuthiyiinta.

Yahya Saree, Afhayeenka Militariga Xuuthiyiinta ayaa sheegay in weerarada isbahaysiga Mareykanka ay ka gaysanayaan dalka Yemen ay uga sii darayaan uun xiisadda, isla-markaana aysan ka laaban doonin mowqifkooda ay ku go’doominayaan dekedaha ay Israel xoogga uga haysato sida uu yiri Falastiin.

Afhayeenka ayaa ku celiyay xalka xiisadda Badda Cas ay ku xiran tahay in Israel ay soo afjarto weerarada baahsan ee ay ku leynayso shacabka Falastiiniyiinta ee ku nool Gaza, isla-markaana ay ogolaato in gaadiidka gargaarka ay si joogto ah u galaan dhulka go’doonsan.

Xoogaga Xuuthiyiinta ayaa bartamihii bishii November bilaabay inay weeraraan maraakiibta laga leeyahay Israel iyo kuwa kale ee u socda dekedaha ay maamulaan, si looga jawaabo ololaheeda militari ee ka dhanka ah dadka reer Gaza.

Weerarada Xuutiyiinta ee Badda Cas ayaa hakad ku keenay isu socodka qayb ka mid ah ganacsiga muhiim ah ee u dhaxeeya Yurub, Bariga Dhexe iyo Aasiya.

Weerarada Xoogaga Xuuthiyiinta ee ka dhanka ah maraakiibta ganacsiga caalamiga ah ee ku wajahan Dekedaha Israel iyo jawaabaha isbahaysiga militari ee Mareykanka uu hoggaamiyo ayaa caqabad weyn ku noqotay maraakiibta ka gudbeysa Badda Cas. Weerarada Xuuthiyiinta ayaa markii hore ku koobnaa maraakiibta laga leeyahay Israel iyo kuwa kale ee ku sii jeeda dekedaheeda, ha yeeshee markii Mareykanka iyo Ingiriiska ay bilaabeen inay duqaymo ka gaystaan dalka Yemen, shirkadaha waaweyn ee maraakiibta kunteenarada iyo kuwa booyadaha shidaalka ayaa si toos ah uga weecday Badda Cas.

Si kastaba ha-ahaatee maraakiibta ganacsiga caalamiga ah ayaa dhibane u noqday weerarada ay Ciidamada Israel ka wadaan Marinka Gaza iyo duqaymaha xulafada Mareykanka ay ka gaysanayaan dalka Yemen.

Nagala soo xiriir: dhacdo@gmail.com

You may also like

Nagala soo xiriir: dhacdo@gmail.com

Copyright © 2023 Dhacdo.com All Rights Reserved.

Designed & Developed by  KaDiiL Technology Inc