Home Wararka Caalamka Markab xamuul oo burbur uu ka soo gaaray weerar loogu gaystay Badda Cas

Markab xamuul oo burbur uu ka soo gaaray weerar loogu gaystay Badda Cas

by Laacib

Markabkan ayaa laba jeer lagu weeraray xeebaha dalka Yemen, iyadoona uu burbur soo gaaray markabkaasi.

Weerarka hore ayaa Talaadadii ka dhacay meel koonfur galbeed kaga beegan magaalada dekedda leh Hudaydah ee dalka Yemen, inkastoo markabka uu awooday in safarkiisa uu sii wato.

Markabka Laax oo ku gooshayay Badda Cas ayaa saacado ka dib oo shalay galab ku beegneyd la kulmay weerarka labaad, kaas oo sida la sheegayo ka dhacay meel 61km jihada waqooyi kaga beegan Magaalada Mocha ee dalkaasi Yemen, waana weerarka sababay burburka soo gaaray markabka ganacsi.

Markabkan oo laga leeyahay Giriiga, balse ku safrayay Calanka Jasiiradda Marshall ayaa lala eegtay gantaalada lidka maraakiibta, waxaana la weeraray, xilli uu ku sii jeeday dalka Emirate-ka Carabta.

Shirkadda iska leh ayaa soo saartay qaylo dhaan, iyadoona sheegtay in markabka uu burbur ka soo gaaray weerarkaasi, xamuulkii uu sidayna ay biyuhu la taggeen.

Shirkadda Amniga Badda ee Britain (Ambrey) ayaa sheegtay in markabka uu raadiyaha ka sheegay inuu dejiyay rarkii uu waday, ka dib saamaynta ka dhalatay waxyeeladii ka soo gaartay weerarkaasi.

Wararka ayaa intaasi ku daraya in shaqaalihii la socday ay badqabaan, isla-markaana ay isku dayayaan in markabka ay geeyaan dekedda ugu dhow.

Hay’adda La socodka Ganacsiga Badda ee Britain (UKMTO) ayaa ku warantay in weerarka uu si weyn u saameeyay safarka markabka nooca xamuulka qaada ee Laax.

Waxaa jirta baqdin laga qabo in markabka uu quuso, ka hor inta aanu gaarin dekedda uu doonayo in uu ku xirto.

Ma jirto cid sheegatay masuuliyadda weerarkan, waxaase la tuhunsan yahay in ay gaysteen Xoogaga Xuuthiyiinta Yemen.

Xuuthiyiinta Yemen ayaa weeraro ku haya maraakiibta laga leeyahay Mareykanka, Ingiriiska iyo Israel, si ay culeys ugu saaraan in Israel ay soo afjarto duulaankeeda Marinka Gaza, isla-markaana ay qaaddo go’doominta ay ku hayso shacabka Falastiiniyiinta.

Hoggaamiyaha Xuuthiyiinta Yemen, Abdul-Malik Al-Houthi ayaa marar badan sheegay in weeraradooda maraakiibta ay joojin doonaan, kolka Israel ay soo afjarto weeraradeeda cadowtinimada ah ee ka dhanka ah shacabka Falastiiniyiinta.

Xuuthiyiinta Yemen waa garabka ugu weyn ururada hubeysan ee ka jira Bariga Dhexe, isla-markaana ka biyo diidan duulaanka Israel ee Marinka Gaza.

Nagala soo xiriir: dhacdo@gmail.com

You may also like

Nagala soo xiriir: dhacdo@gmail.com

Copyright © 2023 Dhacdo.com All Rights Reserved.

Designed & Developed by  KaDiiL Technology Inc