Home Wararka Caalamka Markabka dagaal ee USS Carney oo duqayn ka gaystay Caasimadda Sanca

Markabka dagaal ee USS Carney oo duqayn ka gaystay Caasimadda Sanca

by Laacib

Mareykanka ayaa mar kale saaka garaacay goobo kale, oo ay maamulaan Xuuthiyiinta Yemen, si loo yareeyo waxa ay ku sheegeen khatarta Xuuthiyiinta ee ka dhanka ah maraakiibta ganacsiga caalamiga ah ee mara Badda Cas.

Shacabka ku dhaqan Magaalada Sanca ayaa hurdada kaga soo toosay jug aad u xoogan.

Wararka ayaa sheegaya in la duqeeyay Saldhigga Cirka ee Al-Dailami ee waqooyiga Caasimadda Sanca.

Taliska Dhexe ee Ciidamada Mareykanka ayaa sheegay in markabka wax burburiya ee USS Carney uu beegsaday goobta raadaarka ee Xuuthiyiinta, iyadoo la adeegsanayo gantaalada nooca Tomahawk.

Madaxweyne Joe Biden ayaa shalay galab ku hanjabay in Xoogaga Xuuthiyiinta ay wajihi doonaan duqaymo kale, haddii aanay joojin weeraradooda maraakiibta.

“Waxaan hubin doonnaa inaan u jawaabno Xuuthiyiinta, haddii ay sii wadaan dhaqankan foosha xun.” Ayuu yiri Madaxweynaha Mareykanka oo Wariyeyaasha kula hadlay Magaalada Emmaus ee Gobolka Pennsylvania.

Madaxweyne Biden ayaa sheegay in xulafada Mareykanka aysan u dulqaadan doonin in Xuuthiyiinta ay carqaladeeyaan isu socodka maraakiibta iyo socodka xorriyadda.

Biden ayaa sheegaya in Xuuthiyiinta ay la gudboon tahay in ay joojiyaan weerarada, si aynaa ula kulmin cawaaqibka weeraro dheeri ah.

Ciidamada Mareykanka iyo Ingiriiska ayaa Jimcihii weeraray bartilmaameedyada Xuuthiyiinta.

Nagala soo xiriir: dhacdo@gmail.com

You may also like

Nagala soo xiriir: dhacdo@gmail.com

Copyright © 2023 Dhacdo.com All Rights Reserved.

Designed & Developed by  KaDiiL Technology Inc