Home Dhacdooyin Markabka Ingiriiska ee Rubymar oo ku quusay Badda Cas, ka dib weerarkii Xuuthiyiinta

Markabka Ingiriiska ee Rubymar oo ku quusay Badda Cas, ka dib weerarkii Xuuthiyiinta

by Laacib

Dowladda Yemen ee caalamka uu aqoonsan yahay ayaa maanta sheegtay in markabka Rubymar uu ku degay Badda Cas, ka dib weerarkii ay dhawaan u gaysteen Xoogaga Xuuthiyiinta.

Dowladda Yemen ayaa sheegtay in markabka uu habeenkii xalay ku kiiday koonfurta Badd Cas, iyadoona ka digtay masiibo deegaan.

Markabka ayaa siday in ka badan 41,000 oo tan oo bacrimin ah markii la weeraray, sida uu sheegay Taliska Dhexe ee Ciidamada Mareykanka.

Koox ka socota Dowladda Yemen ayaa Isniintii kormeertay markabka Rubymar oo laga leeyahay dalka Ingiriiska, waxayna sheegeen in qayb ahaan uu qarqoomay oo uu ku degi karo dhowr maalmood gudahood. Xoogaga Xuuthiyiinta Yemen ayaa 19-kii bishii February tiro gantaalo ah ku weeraray markabka, xilli uu ku socdaalayay Badda Cas.

Taliska Dhexe ee Ciidamada Mareykanka ayaa mar sii horreysay sheegay in markabku uu burbur xoog leh ka soo gaaray gantaalada oo qaarkood haleelay.

Hay’adda La socodka Ganacsiga Badda ee Britain (UKMTO) ayaa saacado ka dib, markii uu weerarku dhacay sheegtay in laga daadgureeyay dhammaanba shaqaalihii la socday markabkaasi.

Waa markabkii ugu horreyay ee ku quuso Badda Cas, tan iyo markii ay Xuuthiyiinta bilaabeen weeraradooda maraakiibta mareysa Badda Cas iyo Gacanka Cadmeed.

Horey uma dhicin in markab ay Xuuthiyiinta weerareen uu u dhaadhaco gunta hoose ee badda, tan iyo 19-kii bishii November, markaas oo ay bilaabeen weeraradooda marin biyoodyada caalamiga ah.

Afhayeenka Militariga Xuuthiyiinta, Yahya Saree ayaa weerarkan ku sheegay mid qayb ka ah hawlgalada ay ka wadaan Badda Cas iyo Gacanka Cadmeed ee ay garab istaagga ugu muujinayaan shacabka Falastiiniyiinta ee ku nool Marinka Gaza.

Nagala soo xiriir: dhacdo@gmail.com

You may also like

Nagala soo xiriir: dhacdo@gmail.com

Copyright © 2023 Dhacdo.com All Rights Reserved.

Designed & Developed by  KaDiiL Technology Inc