Home Wararka Caalamka Masar iyo Israel oo ay ka dhex tolan tahay

Masar iyo Israel oo ay ka dhex tolan tahay

by Laacib

Dowladda Masar ayaa waddo dadaalo ay ku adkeynayso ammaanka xuduudda ay la wadaagto Marinka Gaza, ka dib markii Israel ay sheegtay in hawlgal dhinaca dhulka ah ay ka bilaabi doonto deegaanka Rafah ee cirifka koonfureed ee Marinka Gaza.

Duulaanka ay Israel abaabuleyso ayaa dhibaato kale ku ah dadkii shacabka ahaa ee laga soo barakaciyay waqooyiga iyo koonfurta Gaza ee lagu amray inay taggaan deegaanka ku yaala jiidda koonfureed Gaza ee Rafah, oo maalmahaanba ay Ciidamada Israel duqaymo ka wadeen.

Raysal Wasaaraha Israel, Benjamin Netanyahu oo xalay wareysi siiyay Warbaahinta ABC News ayaa sheegay in dadka rayidka ah ay tahay in ay isaga baxaan Rafah, ka hor inta aanu duulaanka bilaaban, balse ma sheegin halka ay dadku taggi karaan.

Netanyahu ayaa ku hanjabay shaki la’aan in ay bilaabi doonaan hawlgalka Rafah, oo sida uu sheegay ay kaga sifeynayaan Ururka Xamaas.

Dowladda Masar ayaa si weyn uga hortimid qorshahan, kaas oo dadka rayidka ah ku riixaya in ay u soo barakacaan Gacanka Sinai ee Masar, maadaama aysan muuqan meel kale oo ay ku badbaadi karaan.

Qaahira ayaa Tel Aviv u sheegtay in hawlgal kasta oo ciidamadeeda ay ka bilaabaan Rafah uu halis ku yahay heshiiskii nabadeed ee labada dhinac.

Wasiirka Gaadiidka Israel, Miri Regev ayaa sheegtay in Tel Aviv ay si dhab ah u qaadaneyso xasaasiyadda ay Qaahira ka muujineyso hawlgalka militari ee Rafah, balse ay labada dhinac awood u yeelan doonaan in arrintaasi ay ka wada shaqeeyaan.

Taliska Militariga Masar ayaa xoojiyay ciidamada kaga sugan Saxaraha Sinai, si ay uga hortaggaan in dadka Falastiiniyiinta ah loo soo barakaciyo gobolkaasi.

Militariga Masar ayaa Sabtidii xuduudda soo dhoobay 40 taangi iyo tobanaan kale oo gaadiidka qufulan ee ciidamada ah, iyaga oo xadidaya dhaqdhaqaaqa xadka.

Dadka rayidka ah ee ka baxsanaya duqaymaha iyo weerarada baahsan ee Israel ayaa waxaa jirin goob kale oo ay kaga baxsan karaan weerarada cadowtinimada leh ee Tel Aviv ka waddo Marinka Gaza.

Qaramada Midoobey iyo dalalka reer galbeedka ayaa walaac ka muujiyay badqabka in ku dhow hal milyan iyo bar oo horaanba la isugu geeyay dhulka ciriiriga ah.

Mareykanka oo ah taageeraha ugu weyn ee Israel ayaa ka digay qorshaha lagu ballaarinayo weerarka dhulka ah ee lagu hayo Gaza, iyada oo Washington ay Tel Aviv ku adkeysay inaanay kaga sii darin xaaladda adag ee bani’aadantinimo ee ka jirta Gaza.

Josep Borrell, Madaxa Siyaasadda Arrimaha Dibadda ee Midowga Yurub ayaa Axaddan taageeray digniinaha dalalka xubnaha ka ah Midowga Yurub ee ku aaddan duulaanka Rafah.

Josep Borrell ayaa sheegay in duulaankan uu sababi doono masiibo bani’aadantinimo oo aan la qiyaasi karin iyo xiisad ba’an oo ka dhex qaraxda Masar iyo Israel.

“In dib loo bilaabo wada xaajoodka, la haysteyaashana la sii daayo, lana joojiyo colaadda ayaa ah sida keliya ee lagu baajin karo dhiig daata.” Ayuu yiri Borrell.

Masar ayaa marar badan Israel ka dalbatay in ay joojiso dadka rayidka ah ee ay sida khasabka ah guryahooda uga soo barakacineyso, haddii kalena ay kaga sii dari doonto xiisadda gobolka.

Hoggaamiyeyaasha Bariga Dhexe ayaa sidoo kale walaac xoogan ka muujiyay duulaanka ku wajahan Rafah.

Xoghayaha Guud ee Golaha Iskaashiga Khaliijka, Jasem Mohamed Albudaiwi ayaa sheegay in weerarka ku soo fool leh Rafah uu waxyeelo u gaysan doono Falastiiniyiinta, isla-markaana uu qalqalgelinayo xasilloonida gobolka.

Madaxa Hay’adda Qaramada Midoobey u qaabilsan Falastiiniyiinta (UNRWA), Philippe Lazzarini ayaa maanta sheegay in Rafah laga dareemayo walwal iyo argagax sii kordhaya.

Qiyaastii 1.5 milyan oo Falastiiniyiin ah oo ku sugan Rafah ayaa ku nool guryo ka sameysan teendhooyin iyo cooshado, kuwaa oo la daallaa dhacaya, sidii ay ku heli lahaayeen cunno, biyo nadiif ah iyo dawo.

Masar ayaa duulaanka Israel ee Rafah u aragto khad cas oo ay ka soo gudubtay, cawaaqibna ku ah dalkeeda, amni ahaan, nidaam iyo kala dambeyn ahaan.

Nagala soo xiriir: dhacdo@gmail.com

You may also like

Nagala soo xiriir: dhacdo@gmail.com

Copyright © 2023 Dhacdo.com All Rights Reserved.

Designed & Developed by  KaDiiL Technology Inc