Home Wararka Caalamka Masar oo xirtay xadka ay la leedahay Gaza, xilli Israel ay duqaynta kordhisay, dadkuna ay ka baxsanayaan

Masar oo xirtay xadka ay la leedahay Gaza, xilli Israel ay duqaynta kordhisay, dadkuna ay ka baxsanayaan

by Laacib

Xilli boqolaal kun oo ka mid ah shacabka ku dhaqan Marinka Gaza ay ka baxsanayaan duqaymaha, Dowladda Masar ayaa la sheegay inay xirtay xadka ay la leedahay Gaza.

Gaza oo ay ku nool yihiin in ka badan laba milyan oo qof ayaa waxay dadkeeda isku dayayaan in ay ka baxsadaan duqaymaha xoogan, ee ay Ciidanka Cirka Israel ka wadaan magaaladaasi.

Warbaahinta Masar ayaa sheegtay in dowladdu ay xirtay xadka Rafah, illaa amar dambe.

Wararka ayaa sheegaya in xirnaanshaha xuduudda labada dhinac ay caqabad ku tahay dadka doonaya in ay isaga baxaan magaalada.

Wararka ayaa intaasi ku daraya in xadka Gaza iyo Masar uu marin muhiim ah u ahaa Falastiiniyiinta lagu khasbay in ay guryahooda isaga barakacaan.

Waddada Rafah ee la isaga kala gudbo Masar iyo Gaza waxaa lagu sheegay tan keliya ee haatan u furneyd dadka reer Gaza, marka aad eegto in Ciidamada Israel ay ka soo xireen dhabihii kale ay ku baxsan lahaayeen.

Saraakiisha Falastiiniyiinta ayaa laga soo xigtay in dadka duqaymaa ka baxsanaya ay ku adag tahay in a gaaraan Daanta Galbeed ee la haysto.

Taliska Militariga Israel ayaa la sheegay in ka badan boqol kun oo askari in ay soo dhoobeen magaalooyinka ku dhow dhow Gaza ee ku jira gacanta gumeysiga.

Inta la xaqiijiyay 704 qof ayaa ku dhintay duqaynta xoogan ee Israel ka waddo Gaza, halka afar kun oo kalena ay ku dhaawacmeen, sida ay sheegtay Wasaaradda Caafimaadka Falastiin.

Xalay waxay ahayd habeenkii ugu darnaa ee ay Ciidamada Israel duqaynta ugu xoogan ka gaystaan Gaza, oo wajaheysa koronto la’aan iyo adeeggii biyaha oo ka go’an.

Israel ayaa sheegtay inaanay ogolaan doonin in Gaza la geeyo shidaalka iyo sahayda cunnada, isla-markaana ay ku sii jiri doonto koronto la’aanta iyo biyaha ka go’an.

Isku dhacaan ugu dambeeyay ee ka dhex qarxay Ciidamada Israel iyo Falastiiniyiinta ayaa noqday qodobka ugu horreya ee Warbaahinta dunida hadalhayso.

Xiisaddan ayaa si weyn looga dareemay Bariga Dhexe, iyadoona qaddiyadda Falastiiniyiinta iyo gacanta adag ee Israel ku wajaheyso shacabka aan hubeysnayn ay arrimo xasaasiya ka noqdeen gobolka

Nagala soo xiriir: dhacdo@gmail.com

You may also like

Nagala soo xiriir: dhacdo@gmail.com

Copyright © 2023 Dhacdo.com All Rights Reserved.

Designed & Developed by  KaDiiL Technology Inc