Home Wararka Maanta Masuuliyiin isugu jira Heer Federaal iyo Heer Dowlad Goboleed oo gaaray Cammaara (SAWIRRO)

Masuuliyiin isugu jira Heer Federaal iyo Heer Dowlad Goboleed oo gaaray Cammaara (SAWIRRO)

by Laacib

Masuuliyiintan oo isugu jira Wasiiro iyo Xildhibaano Heer Federaal & Heer Dowlad Goboleed Galmudug ayaa maanta gaaray deegaanka Cammaara ee Koonfurta Gobolka Mudug.

Ciidanka Xoogga Dalka iyo xoogaga deegaanka ayaa Isniintii la wareegay gacan ku haynta deegaankaasi, ka dib markii ay isaga baxeen maleeshiyada Al Shabaab.

Masuuliyiintan ayaa waxaa Cammaara ku soo dhaweeyay Saraakiisha Ciidanka Xoogga Dalka, kuwa Daraawiishta Galmudug iyo xoogaga deegaanka.

Masuuliyiinta gaaray Cammaara ayaa waxaa laga xusi karaa Wasiirka Kalluumeysiga & Dhaqaalaha Buluugga Somaliya, Axmed Xasan Aadan, Wasiir Kuxigeenka Warfaafinta, Cabdiraxmaan Yuusuf Cumar (Alcadaala), Wasiirka Amniga Galmudug, Maxamed Cabdi Aadan (Gaboobe), La taliyaha Madaxweynaha ee Siyaasadda & Xiriirka Baarlamaanka, Sakariye Xasan Cali (Gaashaan), Xildhibaan Cabdisalaan Xaaji Axmed Dhabancad iyo Xildhibaan Cabdi Saabir Nuur Shuuriye oo labaduba ka tirsan Xildhibaanada Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Federaalka.

Taliye Kuxigeenka Ciidanka Dhulka ee Xoogga Dalka, General Cabdullaahi Aadan Xuseen (Cirro) ayaa masuuliyiinta warbixin ka siiyay halka ay marayaan hawlgalada ka socda gobolkaasi.

Wasiirada iyo Xildhibaanada oo bogaadiyay hawlgalada ay iska kaashanayaan Ciidamada Qalabka Sida iyo dadka deegaanka ayaa kula dardaarmay in ay sii wadaan dadaalada ay dalka kaga xoreynayaan kooxaha argagixisada.

Masuuliyiintan ayaa furimaha hore u jooga, sidii ay ciidamadu u dardargelin lahaayeen dagaalka ka dhanka ah maleeshiyada Shabaabka.

Ciidamada ayaa Shabaabka ka saaray inta badan dhulkii ay ka maamulayeen Koonfurta Gobolka Mudug, taas oo Madaxda Qaranka ay bogaadiyeen.

Nagala soo xiriir: dhacdo@gmail.com

You may also like

Nagala soo xiriir: dhacdo@gmail.com

Copyright © 2023 Dhacdo.com All Rights Reserved.

Designed & Developed by  KaDiiL Technology Inc