Home Dhacdooyin Maxbuus British ahaa oo ku dhintay duqayn ka dhacday Gaza

Maxbuus British ahaa oo ku dhintay duqayn ka dhacday Gaza

by Laacib

Ururka Xamaas ayaa xaqiijiyay in muwaadin British ahaa uu u dhintay dhaawac ka soo gaaray duqayn ay Israel ka gaysatay Marinka Gaza.

Xamaas ayaa gelinkii dambe ee Sabtidii baahisay geerida Nadav Popplewell oo ahaa Israeli, sidoo kalena haystay dhalashada Britain.

“Nadav Popplewell oo ahaa muwaadin British-Israeli ayaa u dhintay dhaawac ka soo gaaray weerar xagga cirka.” Ayaa lagu yiri war ka soo baxay Xamaas.

Warka ayaa lagu yiri “Nadav Popplewell oo 51 jir ahaa ayaa maanta u dhintay dhaawac halis ahaa oo bil ka hor ka soo gaaray duqaymaha cirka ee Sahyuuniyadda.”

Warka Xamaas ee ku dhawaaqista geerida ninkan ayaa ku soo aadaya saacado uun ka dib, markii Garabka Militariga Xamaas ee Al Qassam uu soo bandhigay muuqaal 11 ilbiriqsi, oo muujinaya ninkaasi oo qaba nabar isha ah.

Al Qassam ayaa qoraal ay baahisay ku sheegtay “Waqtigu waa uu sii dhammaanaya, dowlddiinana been bay idiin sheegeysaa.”

Ninkan ayaa lagu soo qafaashay weerarkii Xamaas ay 7-dii bishii October ka gaysatay dhulka ay Israel maamusho.

Hooyadii oo sidoo kale ka midka ahayd dadkii lagu soo afduubay weerarkaasi ayaa ka mid noqotay Israeliyiintii lagu sii daayay wareeggii hore ee heshiiskii maxaabiis is dhaafsiga ee Israel iyo Xamaas dhex maray daba-yaaqada bishii November, halka walaalkiina uu ku dhintay weerarkii October 7-deedii, sida uu daabacay Wargeyska Ynet ee ka soo baxa Israel.

Dad ku dhow 130 qof oo Israeliyiin ah ayaa lagu haystaa Marinka Gaza, waxayna kooxaha wax iska caabinta Falastiiniyiinta ay u haystaan, si ay ugu gorgortamaan in xabsiyada Israel laga sii daayo Falastiiniyiinta ku xiran.

Nagala soo xiriir: dhacdo@gmail.com

You may also like

Nagala soo xiriir: dhacdo@gmail.com

Copyright © 2023 Dhacdo.com All Rights Reserved.

Designed & Developed by  KaDiiL Technology Inc