Home Wararka Maanta Maxkamadda Gobolka Banaadir oo mar kale muddeysay kiiska Sayid Cali

Maxkamadda Gobolka Banaadir oo mar kale muddeysay kiiska Sayid Cali

by Laacib

Maxkamadda Gobolka Banaadir ayaa maanta muddeysay gar-maqalka 3aad ee gal-dacwadeed ciqaabta sumaddiisu tahay MGB/DCL/147/2024, kaas oo eedeysane uu ka yahay Sayid Cali Macalin Daa’uud oo ku eedeysan dilka xaaskiisa Luul Cabdicasiis Maxamed.

Saalax Cali Maxamuud, Gudoomiyaha Maxkamadda Gobolka Banaadir ayaa warqad uu soo saaray ku muddeeyay in dhageysiga 3aad uu qabsoomi doono maalinta Arbacada ee taariikhda ku beegan tahay 6-da bishan March.

Taliyaha Qaybta Baarista Dembiyada ee CID ayaa la faray in uu diyaariyo maxbuuska, sidoo kalena uu 12:00 duhurnimo ee maalinta Arbacada uu horkeeno maxkamadda.

Xafiiska Xeer Ilaaliyaha Guud ee Qaranka iyo qareenada difaacaya eedeysanaha ayaa sidoo kale lagu wargeliyay inay ka soo qaybgalaan kulanka maxkamadda.

Sayid Cali Macalin Daa’uud oo ku eedeysan in uu nolosha ku gubay xaaskiisii Luul Cabdicasiis ayaa 5-tii bishii February laga soo qabtay Gobolka Mudug, ka dib markii uu ka baxsaday Magaalada Muqdisho.

Luul Cabdicasiis oo ahayd hooyo xaamilo ah ayaa korsaneysay lix carruur oo agoon ah.

Dhacdadan oo si weyn u taabatay dareenka dadka reer Muqdisho iyo guud ahaanba ummadda Soomaaliyeed ayaa lagu sheegay wax ugub ku ah bulshada.

Si kastaba ha-ahaatee dadka Soomaaliyeed ayaa si dhow isha ugu haya, waxa uu noqon doono go’aanka maxkamadda.

Nagala soo xiriir: dhacdo@gmail.com

You may also like

Nagala soo xiriir: dhacdo@gmail.com

Copyright © 2023 Dhacdo.com All Rights Reserved.

Designed & Developed by  KaDiiL Technology Inc