Home Wararka Maanta Maxkamadda Militariga oo bilowday dhageysiga kiiska askari ku eedeysan dilka Taliyihiisii

Maxkamadda Militariga oo bilowday dhageysiga kiiska askari ku eedeysan dilka Taliyihiisii

by Laacib

Maxkamadda Darajada 1aad ee Ciidamada Qalabka Sida ayaa maanta bilowday dhageysiga eedeymaha loo haysto askari ka tirsan Ciidanka Xoogga Dalka, kaas oo ku eedeysan amar diido in uu si bareer ah u dilay Taliyihiisii.

Eedeysanaha oo lagu magacaabo Dable Xoogga Maxamed Diiriye Cabdulle Dhiblaawe ayaa lagu soo eedeeyay in uu dilay Saddexle Caamir Xasan Cali, oo lagu sheegay Taliye Kooxdiisii.

Ciidamada ayaa eedeysanaha 13-kii bishii November 2023 ka soo qabtay Gobolka Shabellaha Hoose, ka dib markii la sheegay in Taliyihiisii uu ku dilay difaaca hore ee laga ilaaliyo amniga Degmada Wanlaweyn ee gobolkaasi. Labaduba waxaa la sheegay in ay ka wada tirsanaayeen Ururka 64aad, Guutada 7aad ee Qaybta 12-ka April.

Goobjoogeyaashii maxkamadda la horkeenay ayaa sheegay in eedeysane Maxamed Diiriye Cabdulle uu dil bareer ah u gaystay marxuum Caamir Xasan Cali.

Xeer Ilaaliye Kuxigeenka Maxkamadda Ciidamada, Gaashaanle Muumin Xuseen Cabdullaahi ayaa Garsoorka Maxkamadda ka codsaday in dil toogasho lagu xukumo eedeysanaha, oo ah qisaasta dilkii lagu soo eedeeyay in Taliyihiisii uu u gaystay.

“Garsooreyaal waxaan maxkamadda horkeenay qorigii uu dilka ku gaystay, oo aanu Xoogga Dalka iska lahayn oo hubka uu ku hubeysnaa uu ahaa mid uu jeebkiisa kala yimid, waxaana maxkamadda horkeenay laba markhaati oo goobjoob u ahayd halkii marxuumka uu ku dilay.” Ayuu yiri Gaashaanle Muumin Xuseen Cabdullaahi oo intaasi ku daray “Markhaatiga waxay sheegeen in 10 sano ay ciidanka ka wada tirsanaayeen, sida aad arkaysaan Maxamed Diiriye qof yar ma ahan.”

Gudoomiyaha Maxkamadda Darajada 1aad ee Ciidamada Qalabka Sida, Korneyl Xasan Cali Nuur (Shuute) oo ugu dambayn fadhiga maxkamadda soo xiray ayaa sheegay in dib ay go’aankooda ka soo saari doonaan.

“Dhageysiga eedda ka dhanka ah eedeysane Maxamed Diiriye Cabdulle Dhiblaawe intaas ayuu ku egyahay, maxkamadda ayaana go’aan ka soo saareyso.” Ayuu yiri Gudoomiye Shuute.

Nagala soo xiriir: dhacdo@gmail.com

You may also like

Nagala soo xiriir: dhacdo@gmail.com

Copyright © 2023 Dhacdo.com All Rights Reserved.

Designed & Developed by  KaDiiL Technology Inc