Home Dhacdooyin Maxkamadda Militariga oo go’aan ka gaartay kiis la xiriira isir naceyb

Maxkamadda Militariga oo go’aan ka gaartay kiis la xiriira isir naceyb

by Laacib

Maxkamadda Darajada 1aad ee Ciidamada Qalabka Sida ayaa maanta go’aan ka gaartay kiiska nin askari ah oo dil u gaystay qof shacab ahaa.

Xasan Xuseen Nuur oo ka tirsan Ciidanka Xoogga Dalka, gaar ahaan ilaalo qaran ayaa loo soo xiray dhaawac xabadeed oo u gaystay marxuum Xuseen Maxamed Xirsi, kaas oo 10-kii bishii April u geeriyooday dhaawicii uu askarigaasi u gaystay.

Toogashada lagu dhaawacay dhibanaha ayaa 28-kii bishii March ka dhacday Degmada Warta Nabadda ee Gobolka Banaadir, oo ku dhawaad laba toddobaad ka dib uu u geeriyooday.

XafiisKa Xeer Ilaalinta Ciidamada ayaa baaris dheer ka dib waxa uu Maxkamadda Militariga ka codsaday inay guda gasho dhageysiga kiiska Xasan Xuseen Nuur, oo laga ogolaaday 3-dii bishii hore ee June.

Maragyadii maxkamadda la hor keenay ayaa caddeeyay in sababta dhaawaca uu u dhintay marxuumka ay ahayd muran salka ku hayo caadifad la xiriirta isir naceyb.

Xasan Xuseen Nuur ayaa maxkamadda kaga hor dooday in marxuumka uu aflagaadeeyay heybtiisa.

Maxkamadda ayaa xukun dil toogasho ah ku xukuntay Xasan Xuseen Nuur, oo ah qisaasta dilkii uu u gaystay marxuum Xuseen Maxamed Xirsi.

Maxamed Cabdi Muumin oo ka tirsan Maxkamadda Darajada 1aad ee Ciidamada Qalabka Sida ayaa Warbaahinta u sheegay xukunka dilka toogashada ah ee askarigaasi lagu xukumay.

Isir naceybka ayaa lagu tilmaamaa mid ka mida waxyaabaha la degay ummadda Soomaaliyeed, waana faquuq si gaar ah lagu la kaco oo lagu takooro beelo dhan oo Soomaaliyeed, iyadoo markaasi laga xigsanayo bulshada inteeda kale.

Nagala soo xiriir: dhacdo@gmail.com

You may also like

Nagala soo xiriir: dhacdo@gmail.com

Copyright © 2023 Dhacdo.com All Rights Reserved.

Designed & Developed by  KaDiiL Technology Inc