Home Wararka Maanta Maxkamadda Militariga oo la horkeenay nin lagu soo qabtay 10 jirgaan oo maadada qaraxyada

Maxkamadda Militariga oo la horkeenay nin lagu soo qabtay 10 jirgaan oo maadada qaraxyada

by Laacib

Maxkamadda Darajada 1aad ee Ciidamada Qalabka Sida ayaa maanta bilowday dhageysiga eedeymaha loo haysto nin ku eedeysan in lagu soo qabtay 10 jingaan oo laga soo buuxiyay budada madow ee laga sameeyo walxaha qarxa.

Cabdiqaadir Cali Maxamed Absuge (Gurbiye) ayaa 16-kii bishii September lagu soo bandhigay Magaalada Muqdisho, ka dib markii ay ciidamadu ka soo qabteen deegaanka Daarusalaam, xilli uu kaxeynayay gaari Leyla Calaawi ahaa oo lagu soo raray 10-ka jirgaan.

Taliska Ciidanka Booliska Soomaaliyeed ayaa xilligaasi sheegay in caagadaha laga soo buuxiyay maadada la yiraahdo Trinitrotoluene (TNT), oo ah nooc ka mid ah kiimikooyinka la farsameeyo ee loo adeegsado qaraxyada.

Kuxigeenka Xeer Ilaaliyaha Guud ee Ciidamada Qalabka Sida, Dhamme Axmed Iimaan Maxamed ayaa sheegay in maadada qaraxyada la doonayay in la soo geliyo Magaalada Muqdisho, si loogu dhibaateeyo shacabka Soomaaliyeed, balse ay ciidamadu ka hortaggeen.

Xeer Ilaaliye Kuxigeenka ayaa sheegay in ay u caddaatay in ninkan uu ka tirsan yahay maleeshiyada Al Shabaab, isagoona Guddoonka Maxkamadad ka codsaday in lagu xukumo Qodobada 6aad, 7aad iyo 8aad ee Xeerka Ciqaabta Soomaaliyeed, oo ay ku soo eedeeyeen.

“Waxaan kaloo maxkamadda ka codsnaya, maadaama gaariga aan caddeynay in uu yahay gaari loogu adeegayo Al Shabaab in Qodobka 132aad laygu daro, maxkamaddana ay mulkiyadda kala wareegto, iyadoo tixgelineyso laamaha amniga oo soo qabtay.” Ayuu yiri Axmed Iimaan oo intaasi ku daray “Maxkamadda waxaan ka codsanaya in waajibaadka kaga aaddan ay ku xukunto oo xabsi daa’in ah.”

Qareenada difaacaya eedeysanaha oo iyagana fadhiga ku soo bandhigay dooddooda ayaa ku andacooday in caddeymaha la horkeenay maxkamadda aan loo isticmaali karin qodobada lagu soo eedeeyay eedeysanaha, isla-markaana ay codsanayaan in ninkaasi uu xorriyaddiisa dib u helo.

Korneyl Xasan Cali Nuur (Shuute), Gudoomiyaha Maxkamdda Darajada 1aad ee Ciidamada Qalabka Sida ayaa geba-gabadii sheegay in garsoorka uu dib ka soo saari doono go’aanka maxkamadda.

Nagala soo xiriir: dhacdo@gmail.com

You may also like

Nagala soo xiriir: dhacdo@gmail.com

Copyright © 2023 Dhacdo.com All Rights Reserved.

Designed & Developed by  KaDiiL Technology Inc