Home Wararka Maanta Maxkamadda Militariga oo xukuntay Sarkaal ka tirsan Daacishta Somaliya

Maxkamadda Militariga oo xukuntay Sarkaal ka tirsan Daacishta Somaliya

by Laacib

Maxkamadda Darajada 1aad ee Ciidamada Qalabka Sida ayaa maanta 15 sano oo xabsi ciidan ah, waxa ay ku xukuntay Warsame Cabdi Xasan Aadan, kaas oo ka tirsan Ururka Daacish ee Somaliya.

Maxamed Cabdi Muumin oo ka tirsan Garsoorka Maxkamadda Darajada 1aad ayaa Warbaahinta u sheegay xukunka ay maxkamadda ku riday ninkaasi.

Ninkan ayaa Daacishta Buuraha Gobolka Bari u qaabilsanaa inuu canshuurta kaga uruuriyo ganacsatada Suuqa Bakaaraha.

Maxkamadda ayaa Warsame Cabdi Xasan ku heshay inuu argagax-geliyay ganacsatada, iyadoona maxkamadda lagu soo bandhigay muuqaalo la sheegay inuu ninkaasi ka soo muuqday, isaga oo rasaas ku faraya dad ku sugan xarumo ganacsi oo ku yaala Suuqa Bakaaraha, kuna amraya in ay xiraan, haddii aysan canshuurta bixinayn.

Bishii October ee sanadkii hore ayay ciidamada amnigu ku soo qabteen hawlgal ay ka sameeyeen Magaalada Muqdisho.

Warsame Cabdi oo 37 jir ah ayaa sanadkii 2020 ku biiray Daacishta degan Buuraleyda Gobolka Bari ee Puntland, isaga oo markaasi ka tegay Degmada Beled Xaawo ee Gobolka Gedo.

Daacish ayaa bilowgii sanadkii 2022 ku qancisay in uu uga hawlgalo Caasimadda Muqdisho, si uu madax uga noqdo dhaqaalaha laga qaado ganacsatada.

Warsame Cabdi ayaa ka hor inta aan la xukumin, waxa uu wareysigii baaritaanka ku sheegay inuu xoolaha ku raaci jiray Gobolka Gedo, wixii ka horreyay inta aanu ka mid noqon Daacish.

Daacishta Somaliya oo uu hoggaamiyo Cabdulqaadir Muumin Cali oo bukaan la yaal ah ayaa qayb ka ah kooxaha baadda ka qaada ganacsatada Soomaaliyeed.

Nagala soo xiriir: dhacdo@gmail.com

You may also like

Nagala soo xiriir: dhacdo@gmail.com

Copyright © 2023 Dhacdo.com All Rights Reserved.

Designed & Developed by  KaDiiL Technology Inc