Home Wararka Maanta Maxkamadda Rafcaanka G/banaadir oo fasaxday masuuliyiin ku eedeysnaa eedo musuq (SAWIRRO)

Maxkamadda Rafcaanka G/banaadir oo fasaxday masuuliyiin ku eedeysnaa eedo musuq (SAWIRRO)

by Laacib

Maxkamadda Rafcaanka Gobolka Banaadir ayaa maanta go’aan ka soo saartay dacwadda musuq-maasuq ee loo haystay Cabdullaahi Maxamed Cali, Maxamed Cadde Mukhtaar iyo Cabdiwaaxid Muxsin Ibraahin, oo ka tirsanaa Wasaaradda Shaqada & Arrimaha Bulshada ee Xukuumadda Federaalka.

Maxkamadda ayaa sheegtay in lagu waayay eeddii loo haystay labadii Agaasime Guud ee Wasaaradda Shaqada Shaqada & Arrimaha Bulshada, Cabdullaahi Maxamed Cali iyo Maxamed Cadde Mukhtar, iyadoona dib ugu celisay xorriyaddooda.

Maxkamadda ayaa wax ka bedel ku sameysay xukunkii Maxkamadda Gobolka Banaadir, ka dib markii eedeysane Cabdiwaaxid Muxsin Ibraahim oo maqane ah ay ku heshay Fal dembiyeedka ku xusan Qodobka 241 XC, oo ah xatooyo hanti guud, waxa ayna ku xukuntay saddex sano oo xarig ah.

Maxkamadda Gobolka Banaadir ayaa 28-kii bishii September wax dembi ah ku weyday Cabdiwaaxid Muxsin Ibraahim oo maqane ahaa, iyadoona ka bari-yeeshay dhammaan eedeymihii uu ku eedeysnaa.

Gudoomiyaha Maxkamadda Gobolka Banaadir, Garyaqaan Saalax Cali Maxamuud oo sidoo kale xilligaasi ku dhawaaqay in maxkamaddu ay wax caddeymo ah ku weyday dhammaan qodobadii uu Xafiiska Xeer Ilaalinta ku soo oogay Agaasimihii hore ee Wasaaradda Shaqada & Arrimaha Bulshada, Cabdullaahi Maxamed Cali iyo Maxamed Cadde Mukhtaar ayaa amray in xabsiga laga sii daayo, balse Xafiiska Xeer Ilaaliyaha Guud ee Qaranka oo xukunkaasi rafcaan ka qaatay ayaa dacwadooda ka furay Maxkamadda Rafcaanka Gobolka Banaadir, taas oo maanta ayidday xukunkii hore ee Maxkamadda Gobolka Banaadir, isla-markaana amartay in dib xorriyaddooda loogu celiyo.

Xubnahan ayaa ka mid ahaa 18 Sarkaal oo Xafiiska Xeer Ilaalinta uu 6-dii bishii July uu ku soo eedeeyay xatooyo xoolo dadweyne, lunsasho & leexsasho xoolo dadweyne, been abuur dokumenti, musuq-maasuq, dayacaad waajibaadkii saarnaa iyo ka faa’iideysi xafiis dowladeed.

Eedeysaneyaasha ayaa u badan xubno xilal ka hayay Dowladda Federaalka, sida Agaasimeyaal, masuuliyiin ka tirsanaa Wasaaradda Maaliyadda, Baanka Dhexe, Hay’adda Socdaalka & Jinsiyadda, Ruqsad Siinta Ajaaniibta iyo Canshuuraha.

Madaxweynaha Dowladda Federaalka, Xasan Sheekh Maxamuud ayaa horey ugu hanjabay in dowladdiisu ay la dagaalami doonto musuq-maasuqa, isla-markaana aanay aqbali doonin in la lunsado hantida dadweynaha iyo tan qarankaba.

Nagala soo xiriir: dhacdo@gmail.com

You may also like

Nagala soo xiriir: dhacdo@gmail.com

Copyright © 2023 Dhacdo.com All Rights Reserved.

Designed & Developed by  KaDiiL Technology Inc