Home Wararka Maanta Maxkamadda Sare Ciidamada oo xukuntay laba nin oo wada dhashay

Maxkamadda Sare Ciidamada oo xukuntay laba nin oo wada dhashay

by Laacib

Maxkamadda Sare ee Ciidamada Qalabka Sida ayaa maanta xukuntay laba nin oo wada dhashay, oo midkood uu ka tirsan yahay Ciidanka Booliska Gobolka Banaadir.

Cabdullaahi Cabdi Mustaf ayaa lagu helay in uu dil bareer ah u gaystay askari ka tirsanaa Ciidanka Booliska, oo lagu magacaabi jiray Dable Cabdikariin Ibraahim Cali (Awdaango), taariikhdu markay ahayd 19-kii bishii December ee sanadkii 2022.

War ka soo baxay Maxkamadda Sare ee Ciidamada Qalabka Sida ayaa lagu sheegay in Cabdullaahi Cabdi Mustaf uu danaano ahaan ugu yeertay walaalkii Daahir Cabdi Mustaf, isla-markaana uu u dhiibay qorigii uu ku dilay marxuumka.

“Cabdullaahi Cabdi Mustaf oo ka carooday weydiinta booliska ee warqadda fasaxa CID ee Mooto Feykoon uu watay ayaa danaano ahaan ugu yeertay walaalkiis Dable Boolis Daahir Cabdi Mustaf oo ka tirsan Taliska Qaybta Guud ee Booliska Gobolka Banaadir, isla-markaana uu u dhiibay qorigii lagu dilay marxuum Dable Boolis Cabdikariin Ibraahim Cali (Awdaango), oo xililgaas ku sugnaa barta gaadiidka lagu hubiyo ee waddada Afisyooni.” Ayaa lagu yiri warka.

Maxkamadda Darajada 1aad ee Ciidamada Qalabka Sida ayaa 22-kii bishii February ee sanadkan xukun dil toogasho ah ku xukuntay Cabdullaahi Cabdi Mustaf, oo ah qiyaastii marxuum Cabdikariin Ibraahim Cali (Awdaango), halka Dable Boolis Daahir Cabdi Mustaf lagu xukumay shan sano oo xabsi ciidan ah.

Xukunkaas oo rafcaan ay ka qaateen ayaa u wareegay Maxkamadda Sare ee Ciidamada, oo 1-dii bishan bilowday dhageysiga kiiskaasi.

Maxkamadda ayaa maanta mar kale xukun dil toogasho ah ku xukuntay Cabdullaahi Cabdi Mustaf, halka Daahir Cabdi Mustaf lagu xukumay afar sano oo xabsi ciidan ah.

Nagala soo xiriir: dhacdo@gmail.com

You may also like

Nagala soo xiriir: dhacdo@gmail.com

Copyright © 2023 Dhacdo.com All Rights Reserved.

Designed & Developed by  KaDiiL Technology Inc