Home Wararka Maanta Maxkamadda Sare ee Militariga oo dil toogasho ku xukuntay laba nin oo ka tirsan Al Shabaab

Maxkamadda Sare ee Militariga oo dil toogasho ku xukuntay laba nin oo ka tirsan Al Shabaab

by Laacib

Maxkamadda Sare ee Ciidamada Qalabka Sida ayaa mar kale waxay maanta xukun dil toogasho ah ku xukuntay Aadan Mursal Maxamed Macalin (Iidow) iyo Anas Cabdiqaadir Cali Maxamuud (Salmaan) oo ka tirsan maleeshiyada Al Shabaab.

Raggan ayaa lagu helay in ay dilal ka gaysteen Magaalada Gaalkacyo ee Xarunta Gobolka Mudug.

Iidow ayaa lagu helay inuu dilay marxuum Maxamed Jaamac Maxamed (Cagabiyood), halka Salmaan lagu helay inuu dilay marxuum Cabdi Aadan Siyaad (Cabdi Dheere) iyo marxuum Cilmi Cali Guuleed.

Labadan nin ayay ciidamadu gacanta ku soo dhigeen 17-kii bishii April ee sanadkan, ka dib hawlgal ka dambeeyay qarax la sheegay inay la beegsadeen gaari Cabdi Bille ahaa, oo ay leeyihiin Ciidanka Kumaandooska Danab ee Xoogga Dalka.

Maxkamadda Darajada 1aad ee Ciidamada Qalabka Sida ayaa 22-kii bishii May ku xukuntay labadaasi nin xukun dil toogasho ah, inkastoo ay rafcaan ka qaateen.

Kiiskooda oo u wareegay Maxkamadda Sare ee Ciidamada Qalabka Sida, fadhiyo kala duwan oo ay maxkamaddu ka yeelatay waxay maanta ku waafaqday xukunkii ay horey ugu riday Maxkamadda Darajada 1aad.

Gudoomiyaha Maxkamadda Sare ee Ciidamada Qalabka Sida, General Liibaan Cali Yarow ayaana shaaciyay go’aanka ay maxkamaddu ka gaartay dacwaddii uu Xafiiska Xeer Ilaalinta ee Maxkamadda Ciidamada ku soo oogay raggaasi.

Nagala soo xiriir: dhacdo@gmail.com

You may also like

Nagala soo xiriir: dhacdo@gmail.com

Copyright © 2023 Dhacdo.com All Rights Reserved.

Designed & Developed by  KaDiiL Technology Inc