Home Wararka Maanta Meydadka shaqaalihii World Central Kitchen oo la geeyay Masar (SAWIRRO)

Meydadka shaqaalihii World Central Kitchen oo la geeyay Masar (SAWIRRO)

by Laacib

Meydadka shaqaalihii gargaarka bani’aadantinimo ee lagu dilay Marinka Gaza ayaa loo qaaday dhanka dalka Masar, si dib loogu celiyo dalalkooda.

Shaqaalahan oo toddobo gaarayay, lix ka mid ahna ay ajaaniib ahayd ayaa habeenkii Isniinta lagu dilay Gaza, ka dib markii Ciidamada Israel ay duqayn la eegteen.

Meydadka shaqaalaha ajaaniibta ayaa ambalaasyo lagu geeyay Isgoyska Rafah ee kala qaybiya Gaza iyo Masar, si loogu wareejiyo wakiilo ka socdo dalalkooda. Qofka 7aad ee duqaynta lagu dilay oo muwaadin Falastiini ahaa ayaa meydkiisa lagu wareejiyay qoyskiisa, si loogu aaso Gaza.

Shaqaalahan oo u shaqeynayay Hay’adda World Central Kitchen oo fadhigeedu yahay dalka Mareykanka ayaa isugu jiray saddex u dhashay Ingiriiska, min hal qof u dhashay Australia, Poland, Falastiin iyo mid haystay dhalashada Mareykanka iyo Canada.

Dhammaantood waxay Gaza ka wadeen raashiin qaybin, iyagoo gacan ka gaysanayay dadaalada caalamiga ah ee lagu yareynayo gaajada iyo nafaqo darrada ka jirta Marinka Gaza, si looga hortaggo macluusha ay Qaramada Midoobey ka digtay.

Israel ayaa dunida kala kulantay cambaareyn xoog leh, waana xilli ay isku dayeyso in ay carqaladeynayo gargaarka naf badbaadinta ah, mana ahan markii ugu horreysay oo ciidamadeedu ay dhibaateeyaan shaqaalaha gargaarka.

Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobey, António Guterres ayaa Israel ku dhalleeceeyay in si aan laga fiirsan ay u bartilmaameedsatay shaqaalaha gurmadka bani’aadantinimo.

Falkan ugu dambeeyay ee lagu laayay Shaqaalaha Hay’adda World Central Kitchen ayaa sii xumeynaya muuqaalka Israel ee caalamka.

Raysal Wasaaraha Israel, Benjamin Netanyahu ayaa ka cudurdaartay dilka ay ciidamadiisa u gaysteen shaqaalaha samafalka, balse tani xal uma noqon carrada caalamiga ah ee sii kordheysa.

Ugu yaraan 196 qof oo ka shaqeynayay howlaha bani’aadantinimo ayaa lagu dilay Marinka Gaza, tan iyo markii uu dagaalku bilowday, October 7-deedii.

Nagala soo xiriir: dhacdo@gmail.com

You may also like

Nagala soo xiriir: dhacdo@gmail.com

Copyright © 2023 Dhacdo.com All Rights Reserved.

Designed & Developed by  KaDiiL Technology Inc