Home Dhacdooyin Mid ka mid ah shilalkii ugu xumaa oo ka dhacay Muqdisho (SAWIRRO)

Mid ka mid ah shilalkii ugu xumaa oo ka dhacay Muqdisho (SAWIRRO)

by Laacib

Shilka ayaa xilligii uu afurka soo dhawaa ka dhacay Isgoyska Jubba ee Degmada Boondheere ee Gobolka Banaadir, ka dib markii gaari nooca xamuulka uu ku rogmaday gaari BL ahaa.

Gaariga xamuulka oo rar siday ayaa ku dul rogmaday gaari caasi ahaa, oo markaasi qaadayay dad doonayay in guryahooda ay u afur doontaan.

Goobjoogeyaal ayaa sheegay in gaariga xamuulka oo siday kunteenar uu si lama filaan ah ugu rogmaday waddada, isla-markaana uu ku dul gadoomay gaariga nooca dadweynaha, oo xilligaasi ka rakaabsanayay waddada.

Shilka ayaa sababay khasaare dhimasho iyo dhaawacba leh, iyadoona dadkii ku waxyeeloobay shilkaasi aanay dhowr saacadood helin gurmadkii ay u baahnaayeen, taasoo dadka deegaanka ka careysiisay.

Dadka deegaanka qaarkood oo Warbaahinta la hadlay ayaa Maamulka Gobolka Banaadir ku dhalleeceeyay in ugu yaraan saddex saacadood ka dib ay goobtaasi u soo dirayn gawaari ay ku jiiraan kuwa wiishashka, si gaarigii xamuulka looga dul qaado gaarigii caasiga ee uu ku dul habsaday.

Xilligii caweyska oo gurmadka dadkaasi uu socday ayaa waxaa Isgoyska Jubba soo buux-dhaafiyay qoysas raadinaya dad ka maqan.

Yuusuf Xuseen Jimcaale, Gudoomiyaha Maamulka Gobolka Banaadir ahna Duqa Magaalada Muqdisho oo goor dambe gaaray isgoyskaasi ayaa sheegay in khasaaraha aanu ahayn sidii la moodaayay, isla-markaana ay shilkaasi ku dhinteen illaa afar qof, laba kalena ay ku dhaawacantay.

“Khasaaraha sidii la maleynayay aad ayuu uga yar yahay, dad badan ma saarnayn gaariga. Dhimashadu waa maamo, nin, wiil iyo gabar, laba qofna dhaawac fudud ayaa ka soo gaaray.” Ayuu yri Gudoomiyaha Gobolka Banaadir.

Gudoomiyaha oo ka hadlayay sababta keentay dib u dhaca gurmadka dadkii ku waxyeeloobay shilkaasi ayaa yiri “Shilka wuxuu ku soo aaday xilli afur ah oo darawalada wiishashku ay afur doonteen, sida ambulance-ta oo kale ma dul saarno oo afur ayay ku maqnaayeen, nin kastaba gurigiisa ayaana ka raadinay.”

Gudoomiyaha ayaa mar kale soo cusbooneysiiyay awaamiirtii ay horey uga soo saareen in gaadiidka xamuulka ee rarka ka soo qaada dekedda aysan maalintii mari karin waddooyinka magaalada, illaa iyo inta laga gaarayo tobanka habeenimo (10:00 PM).

“Horey awaamiir badan ayaa looga soo saaray baabuurta xamuulka ah inaysan socon karin maalintii, oo habeenkii 10:00 markay tahay dekedda laga soo fasaxo, marka dembiga waxaa qaadaya ciddii soo fasaxday.” Ayuu yiri Duqa Muqdisho.

Duqa Muqdisho ayaa faray Taliska Ciidanka Ilaalada Waddooyinka iyo guud ahaanba laamaha amniga inaysan gaadiidkaasi u ogolaan in xilliyada maalintii ay dhex maraan magaalada.

“10:00 habeenimo wixii ka dambeeyo waa inay maraan waddooyinka, ka hor looma ogola, lama ogola, haddaba hala i maqlo.” Ayuu yiri Duqa Muqdisho.

Shilkan ayaa noqonaya mid ka mid ah shilalkii ugu xumaa ee ka dhaca Magaalada Muqdisho.

Nagala soo xiriir: dhacdo@gmail.com

You may also like

Nagala soo xiriir: dhacdo@gmail.com

Copyright © 2023 Dhacdo.com All Rights Reserved.

Designed & Developed by  KaDiiL Technology Inc