Home Wararka Caalamka Midowga Afrika oo ku baaqay in la helo laba dowladood oo Falastiin iyo Israel ah

Midowga Afrika oo ku baaqay in la helo laba dowladood oo Falastiin iyo Israel ah

by Laacib

Gudoomiyaha Guddiga Midowga Afrika, Moussa Faki Mahamat ayaa walaac ka muujiyay xiisadda ka soo dhex cusboonaatay Falastiiniyiinta iyo Israel, isagoona ku baaqay in xiisaddaasi la dejiyo.

Gudoomiyaha ayaa dhinacyada ugu baaqay in si bilaa shuruud ah ay ugu soo laabtaan miiska wada hadalka, isla-markaana ay ka wada hadlaan, sidii xal loogu heli lahaa colaadda soo noqnoqotay.

Gudoomiyaha ayaa soo jeediyay in dhinacyadu ay si dhow uga wada hadlaan, sidii loo dhaqangelin lahaa in la helo laba dowladood oo deris ah, nabadna ku wada nool.

Waxa uu sheegay in tallaabada dadka reer Falastiin loogu diidan yahay in ay noqdaan dal madaxbannaan oo xor ah ay tahay sababta ka dambeysa xiisadda aan dhammaadka lahayn ee ka taagan Bariga Dhexe.

Moussa Faki Mahamat, Gudoomiyaha Guddiga Midowga Afrika ayaa dalalka horumaray ugu baaqay in ay qaataan masuuliyaddooda, isla-markaana ay dhaliyaan nabadda, ayna damaanad qaadaan xuquuqda labada shacab.

Moussa Faki ayaa qaba in tani ay meesha ka saari karto xiisadda joogtada ah ee Israel iyo Falastiin, haddii si dhab ah looga wada shaqeeyo.

Xoogaga Xamaas ayaa Sabtidii weerar ballaaran ku galay koonfurta Israel, ka dib go’doominta muddada dheer ay Israel ku hayso Marinka Gaza iyo falalka daandaansiga ee muddooyinkii ugu dambeysay ay Israeliyiintu ka wadeen Dhismaha Masjidka Al-Aqsa.

Illaa kun qof oo u badan shacabka labada dhinac ayaa la sheegay in ay ku dhinteen dagaalka maalintii labaad u dhaxeeya dhinacyadaasi.

Wasaaradda Caafimaadka Israel ayaa sheegtay in illaa shalay tirada dadka ay waxyeeladu gaartay ay hadda sii caga-cageynayso 2,048, kuwaa oo ay ku jiraan 330 qof oo dhaawacoodu uu yahay mid daran.

Warbaahinta Israel ayaa ku warantay in illaa kun qof oo isugu jira shacab iyo askar laga qafaashay gudaha Israel, isla-markaana aanay jirin cid xaaladdooda ka warami karta.

Weerarkan ayaa ka tarjumaya heerka uu gaarsiisan yahay ciilka iyo carada badan ay qabaan dadka reer Falastiin ee dunida ay ka hiilisay, waana Falastiiniyiinta oo muujiyay inaanay intaan ka dib ku sii hoos jiri karin gumeysiga Israel.

Dunida ayaa wax la yaab leh ku tilmaamtay weerarka safka ballaaran ee Falastiiniyiintu ka gaysteen dhulka ay Israel xoogga ku haysato, iyadoona uu weerarku fashiliyay awoodda Sirdoonka Israel ee Mossad, oo lagu sheego mid ka mida sirdoonada ugu awoodda badan caalamka.

Weerarku waxa uu hoos u dhigay kalsoonidii ay Israeliyiintu ku qabeen Sirdoonka Mossad, oo illaa iyo hadda la isweydiinayo, sida aanay macluumaad uga helin weerarkaasi, oo sida la sheegay muddo billo ahi la qorsheynayay.

Si kastaba ha-ahaatee dagaalkan ayaa noqonaya kiisii ugu dhimashada badnaa ee dhinaacyadaasi dhex mara, muddo tobanaan sano ah.

Nagala soo xiriir: dhacdo@gmail.com

You may also like

Nagala soo xiriir: dhacdo@gmail.com

Copyright © 2023 Dhacdo.com All Rights Reserved.

Designed & Developed by  KaDiiL Technology Inc