Home Wararka Maanta Midowga Afrika oo sheegay in hal sabab ay Ciidanka ATMIS baaqi ugu sii ahaan karaan dalka

Midowga Afrika oo sheegay in hal sabab ay Ciidanka ATMIS baaqi ugu sii ahaan karaan dalka

by Laacib

Madaxa Guddiga Midowga Afrika ee Maareynta Khilaafaadka, Dr. Alhadji Sarjoh Bah iyo wafdi uu hoggaaminayo ayaa soo geba-gabeeyay booqasho shan maalmood qaadatay oo ay ku joogeen dalka.

Wafdigan uu heerkiisu sarreyo ee ka socda Waaxda Siyaasadda, Nabadda iyo Amniga oo uu ka mid ahaa madaxa cusub ee loo magacaabay Qaybta Hawlgalada Taageerada Nabadda (PSOD), General Cheick Dembele ayaa dalka u yimid, sidii loo qeexi lahaa hababka ay Ciidanka ATMIS masuuliyadda amniga ee dalka ugu wareejinayaan Ciidamada Qalabka Sida ee Soomaaliyeed.

Wafdiga ayaa kulamo kala duwan la qaatay masuuliyiin ka tirsan Dowladda Federaalka, Wasiiru Dowlaha Xafiiska Raysal Wasaaraha, Xirsi Jaamac Gaani, La Taliyaha Amniga Qaranka, Xuseen Macalin Maxamuud, Saraakiil ka tirsan Xafiiska Qaramada Midoobey ee dalka, wakiilo ka socday Beesha Caalamka, dalalka ay Ciidanka Nabad Ilaalinta ka joogaan dalka iyo Ururada Bulshada Rayidka ah.

Kulamada ayaa si dhow looga hadlay casharadii laga bartay labadii weji ee lagu dhimay amaba lagu yareeyay tirada Ciidanka ATMIS iyo wejiga xigga ee dhimista oo la samayn doono bisha June ee bartama sanadkan, kaas oo dalka lagaga saarayo 4,000 oo askari.

Dr. Alhadji Sarjoh Bah ayaa sheegay in Midowga Afrika uu ka fiirsan doono caqabad kasta oo iman karta, si loo helo buu yiri kala guur aan kala go’ lahayn iyo in la hubiyo inaysan jirin dal-daloolooyin amni.

Waxa uu ku dhawaaqay in Hawlgalka Nabad Ilaalinta ee ATMIS lagu soo afjari doono muddada ka harsan sanadkan, iyadoo 31-ka bisha December la samayn doono sida uu yiri wareeggii ugu dambeeyay ee dhimista ciidamada.

Hase yeeshee waxa uu carab dhabay, haddii ay soo kordhaan duruufo aan laga gudbi karin ay khasab noqon karto in ciidamada ay baaqi ku sii ahaadaan dalka.

“Waxaa naga go’an inaan hubino in marka koowaad aan ku adkeysano waqtiga dhimista, dabcan waxaana helnay laba kordhin labadii kal dhimis ee ugu dambeysay. Sidaasi daraadeed marka laga reebo xaalado aan laga gudbi karin oo soo kordha, waxaa go’aansanay inaan hubino in marka la gaaro 31-ka bisha December, 2024 aan soo geba-gabayno dhimista.” Ayuu yiri Alhadji Sarjoh.

Alhadji Sarjoh ayaa intaasi ku daray “Waxaan rabnaa in aan hubino in qaabeynta, wax kasta oo ay u egtahay, wax kasta oo ay ku jirto, wax kasta oo loo igmaday, lagu wargeliyo qiimeyn ammaan oo aad u ballaaran, oo diiradda saareysa khataraha iyo doorsoomayaasha kale. Tani waxay noo ogolaanaysaa inaan markaas go’aan ka gaarno xoogga, waajibaadka, booska, halabuurka iyo dhismaha guud ee bedeli doona ATMIS.”

Taliska ATMIS oo taageero dhinaca saadka ah ka helaya Xafiiska Taageerada Qaramada Midoobay ee Somaliya (UNSOS) ayaa dhawaan soo geba-gabeeyay wejigii labaad ee dhimista, oo dalka lagaga saaray 3,000 oo askari.

Taliska ayaa bishii December Dowladda Federaalka ku wareejiyay toddobo saldhig, iyadoona la xiray laba saldhig oo kale oo horey ay ugu sugnaayeen Militariga ATMIS.

Saldhigyada ay Ciidanka ATMIS banneeyeen ayaa waxaa laga xusi karaa Aqalka Madaxtooyada iyo Xarunta Baarlamaanka Federaalka ee Magaalada Muqdisho. Ciidanka Xoogga Dalka ayaana si buuxda ula wareegay masuuliyadda ilaalinta ee amniga Villa Somalia.

Ciidanka ATMIS ayaa Dowladda Federaalka ka taageera howlaha sugidda amniga iyo la dagaalanka maleeshiyada Al Shabaab.

In dhowr iyo toban sano ka dib ay Ciidanka ATMIS isaga baxaan dalka ayaa lagu macneeyay mid calaamad u ah, sida uu uga reynayo amniga dalka, inkastoo weli ay jirto khatarta Al Shabaab ee Geeska Afrika.

Nagala soo xiriir: dhacdo@gmail.com

You may also like

Nagala soo xiriir: dhacdo@gmail.com

Copyright © 2023 Dhacdo.com All Rights Reserved.

Designed & Developed by  KaDiiL Technology Inc