Home Wararka Caalamka Midowga Yurub oo codsaday in si degdeg ah loo joojiyo colaadda Gaza

Midowga Yurub oo codsaday in si degdeg ah loo joojiyo colaadda Gaza

by Laacib

Midowga Yurub ayaa ku baaqay in si degdeg ah loo joojiyo colaadda Marinka Gaza, iyadoo dhanka kalena uu walaac ka muujiyay xaaladda ka sii dareysa ee halkaasi ka jirta.

Madaxa Siyaasadda Arrimaha Dibadda ee Midowga Yurub, Josep Borrell ayaa sheegay inay dalbanayaan in si degdeg ah loo joojiyo colaadda Gaza.

“Haddaanu nahay Midowga Yurub iyo 27-ka dal ee xubnaha ka ah, waxaanu aad uga walaacsanahay dhibaatada bani’aadantinimo ee sii xumaaneysa ee ka jirta Marinka Gaza.” Ayuu yiri Madaxa Siyaasadda Arrimaha Dibadda ee Midowga Yurub.

Josep Borrell ayaa bayaan uu soo saaray ku sheegay “Waxaan ku baaqaynaa in si degdeg ah loo joojiyo colaadda iyo in la sameeyo waddooyin bani’aadantinimo, si gargaarka bani’aadanimo uu si ammaan ah ugu gaaro dadka reer Gaza.”

Ciidamada Israel ayaa lagu eedeeyay inay bartilmaameedsanayaan kaabeyaasha rayidka, oo ay ku jiraan isbitaalada ku yaala waqooyiga Gaza.

Josep Borrell oo arrimahaasi ka jawaabayay ayaa yiri “Sharciga caalamiga ah ee bani’aadantinimada ayaa dhigaya in isbitaalada, saadka caafimaadka iyo dadka rayidka ah ee ku jira isbitaalada la ilaaliyo. Waxaan ku boorinaynaa Israel inay is xakamayso, si loo xaqiijiyo ilaalinta rayidka.”

Taliska Militariga Israel ayaa Xamaas ku dhalleeceeyay in ay dadka rayidka ah u adeegsanayaan gaashaan.

Josep Borrell oo daba socday eedeymaha loo jeedinayo Xamaas ayaa yiri “Waxaan cambaareynaynaa isticmaalka isbitaalada iyo dadka rayidka ah oo ay Xamaas gaashaan u yihiin. Dadka rayidka ah waa in loo ogolaado inay ka baxaan aagga dagaalka. Colaadda ayaa si ba’an u saameysa isbitaalada, waxayna dhibaato daran ku haysaa dadka rayidka ah.”

Borrell ayaa Ururka Xamaas ee ka arrimiya Marinka Gaza ugu baaqay in si bilaa shuruud ah ay ku sii daayaan dhammaan dadka la haysteyaasha ah, ee ay ku soo qafaasheen weerarkii 7-dii October.

Maamulada labada isbitaal ee Gaza ugu waaweyn ee Al-Shifa iyo Al-Qudus ayaa Axaddii sheegay inay joojinayaan howlahooda, ka gadaal markii ay Ciidamada Israel ku eedeeyeen inay hareereeyeen isbitaaladaasi.

Israel ayaa tuhunsan in Xoogaga Xamaas ay godad hoos mara isbitaaladaasi ku hayaan maxaabiista reer Israel, Xamaas ayaase wax aan sax ahayn ku tilmaamtay waxa ay Tel Aviv maleynayso.

Nagala soo xiriir: dhacdo@gmail.com

You may also like

Nagala soo xiriir: dhacdo@gmail.com

Copyright © 2023 Dhacdo.com All Rights Reserved.

Designed & Developed by  KaDiiL Technology Inc