Home Wararka Maanta Midowga Yurub oo dib u bilaabay kabka maaliyadeed ee Dowladda Federaalka

Midowga Yurub oo dib u bilaabay kabka maaliyadeed ee Dowladda Federaalka

by Laacib

Midowga Yurub ayaa maanta dib u bilaabay kaalmadii maaliyadeed ee uu ku kabi jiray Miisaaniyadda Dowladda Federaalka Somaliya.

Midowga Yurub ayaa ansixiyay dhaqaale dhan labaatan dhibic shan milyan oo Euro (€20.5M), oo qayb ka ah hannaanka dowlad dhiska Somaliya iyo taageerada barnaamijka dayn-cafinta dalka ee loo soo gaabiyo SRBC.

Kabkan maaliyadeed ayaa Dowladda Federaalka ka taageeraya inay sii waddo qorshaheeda horumarinta iyo xasillinta qaranka, si ay ugu noqoto jaanta jidkii ay ku gaari lahaa bar dhammaadka hannaanka dayn-cafinta ee HIPC (Heavily Indebted Poor Countries).

Safiirka Midowga Yurub ee dalka, Tiina Intelmann ayaa bogaadisay juhdiga ay Dowladda Federaalka ku bixineyso, sidii ay uga gudbi laheyd shuruudaha ku horgudban barnaamijka dayn-cafinta.

Tiina Intelmann ayaa muuqaal ay soo duubtay ku sheegtay, inkastoo ay weli caqabado jiraan, haddana waxay sheegtay kororka khayraadka gudaha iyo xoojinta Maamulka Maaliyadda ay muhiim u yihiin horumarinta istiraatiijiyadda dib u habaynta dhaqaalaha iyo sii wadidda dhismaha dowladnimada dalka.

Waxay intaa ku dartay in Midowga Yurub uu daneynayo in uu sii wado taageeradiisa Somaliya, si looga gudbo caqabadaha jira, loona xaqiijiyo yoolka ah in adeegyo wanaagsan ay helaan shacabka Soomaaliyeed.

Wasiirka Maaliyadda Somaliya, Dr. Cilmi Maxamuud Nuur ayaa dhankiisa sheegay in Midowga Yurub uu dib u fasaxay kaalmadiisii maaliyadeed ee Dowladda Federaalka.

Wasiirka ayaa bartiisa Twitterka ku sheegay in tani ay ku soo aadayso waqtigii ku habboonaa, isla-markaana ay soo dhaweynayaan.

Wasiirka ayaa Midowga Yurub ku ammaanay saaxiib muhiim u ah himilooyinka iyo hirgelinta horumarka qarankan.

Dowladda Somaliya iyo Midowga Yurub ayaa 2-dii bishan Magaalada Muqdisho ka daahfuray geeddi-socod wada shaqeyneed oo dhabaha u furaya iskaashi cusub oo dhex mara labada sano ee soo socota.

Raysal Wasaare Xamse Cabdi Barre ayaa xilligaasi sheegay “Qorshahan wada shaqeynta ah ee maanta la daahfuray, wuxuu jidka u furayaa xiriir cusub, wuxuuna caddeyn u yahay sida ay inooga go’an tahay inaan iskaashigan uga faa’iideysano si wax tar u leh shacabkeenna, isla-markaana la xaqiijiyo in faa’iidadiisu gaarto dhammaan muwaadiniinta Soomaaliyeed. Midowga Yurub waa saaxiib la isku haleen karo oo aan la leenahay iskaashi dhow, waxaana hubaa in geeddi-socodkan wada shaqeyneed uu horseedi doono horumar ballaaran oo laga gaaro arrimaha muhiimka u ah dowlad dhiska, amniga, nabadgelyada, koboca dhaqaalaha iyo daadajinta adeegyada dowladda.”

Nagala soo xiriir: dhacdo@gmail.com

You may also like

Nagala soo xiriir: dhacdo@gmail.com

Copyright © 2023 Dhacdo.com All Rights Reserved.

Designed & Developed by  KaDiiL Technology Inc