Home Wararka Maanta Midowga Yurub oo is garabtaag u muujiyay Dowladda Soomaaliyeed

Midowga Yurub oo is garabtaag u muujiyay Dowladda Soomaaliyeed

by Laacib

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliya, Xasan Sheekh Maxamuud ayaa maanta Xarunta Madaxtooyada Qaranka ee Magaalada Muqdisho ku qaabilay Ergeyga Midowga Yurub ee Geeska Afrika, haweeneyda lagu magacaabo Annette Weber.

Madaxweynaha iyo Annette Weber ayaa ka wada hadlay xaaladda gobolka, doorka Midowga Yurub ee dowlad-dhiska iyo horumarka Somaliya, iyagoo si gaar ah uga arrinsaday dagaalka ka dhanka ah maleeshiyada Al Shabaab iyo tayaynta ciidamada, sida lagu sheegay war qoraal ah oo ka soo baxay Villa Somalia.

Warka ayaa lagu sheegay in Annette Weber ay Madaxweynaha la wadaagtay mowqifka Midowga Yurub ee ilaalinta xasilloonida iyo deganaanshaha Geeska Afrika, isla-markaana ay u muujisay muhiimadda ay siinayaan in la dhowro madaxbannaanida iyo midnimada dhuleed ee Somaliya.

“Madaxweynaha Jamhuuriyadda ayaa uga mahadceliyay taageerada Midowga Yurub ay u muujiyeen qaranimada iyo madaxbannaanida Somaliya, isagoo soo bandhigay dadaalka ay ku bixinayaan shacabka iyo Dowladda Soomaaliyeed difaaca dhulkooda, baddooda iyo gobanimadooda.” Ayaa lagu yiri warka.

Villa Somalia ayaa waddo dadaalo diblomaasiyadeed oo daaran inaanay Itoobiya cagta soo dhigin biyaha Badda Cas.

Itoobiya ayuu hamigeedu yahay in markii ugu horreysay ay marin badeed ka hesho Xeebaha Somaliya.

Heshiiskii is afgaradka ahaa ee Raysal Wasaaraha Itoobiya, Abiy Ahmed iyo Madaxweynaha Somaliland, Muuse Biixi Cabdi ay 1-dii bishii ku gaareen Magaalada Addis Ababa ayaa Itoobiya u ogolanaya in bad kiro ah laga siiyo Badda Cas.

Dowladda Somaliya ayaa si adag uga hortimid heshiiskan, iyadoo ku tilmaamtay mid sharci darro ah. Heshiiskan ayaana xiisad hor leh ka abuuray gobolka.

Nagala soo xiriir: dhacdo@gmail.com

You may also like

Nagala soo xiriir: dhacdo@gmail.com

Copyright © 2023 Dhacdo.com All Rights Reserved.

Designed & Developed by  KaDiiL Technology Inc