Home Wararka Caalamka Midowga Yurub oo qaylo dhaan ka muujiyay weerarada Xuuthiyiinta ee Badda Cas

Midowga Yurub oo qaylo dhaan ka muujiyay weerarada Xuuthiyiinta ee Badda Cas

by Laacib

Midowga Yurub ayaa walaac xoogan ka muujiyay weerarada sii kordhaya ee ay Xuuthiyiinta Yemen ku hayaan maraakiibta caalamiga ah ee adeegsaneysa Badda Cas, gaar ahaan kuwooda ku wajahan Dekedaha Israel.

Midowga Yurub ayaa sheegay in weerarada ka imaanaya dhanka Yemen ay halis ku yihiin isu socodka caalamiga ah iyo ammaanka badda, isla-markaana ay liddi ku yihiin sharciga caalamiga ah.

“Weerarada faraha badan ee ka imaanaya dhulka ay Xuuthiyiinta ka taliso ee Yemen, waxay halis ku yihiin socodka caalamiga ah iyo ammaanka badda, taasoo ka horimaneysa sharciga caalamiga ah.” Ayaa lagu sheegay bayaan ka soo baxay Midowga Yurub.

Bayaanka ayaa lagu yiri “Weerarada lagu qaaday maraakiibta caalamiga ah, waxay wiiqayaan ammaanka Yemen, oo ay ku jiraan haqab-beelka cunnada, iyadoo inta badan cunnada dalka la keeno ay soo marto Badda Cas.”

Midowga Yurub ayaa Xoogaga Xuuthiyiinta ugu baaqay in ay joojiyaan hanjabaadaha iyo weerarada ka dhanka ah maraakiibta caalamiga ah.

“Midowga Yurub wuxuu ku celinayaa baaqiisa ku aadan in Xuuthiyiinta ay ka fogaadaan hanjabaadaha iyo weerarada kale ay ka gaysanayaan marinka maraakiibta caalamiga ah.” Ayaa lagu yiri bayaanka.

Bayaanka ayaa sidoo kale lagu sheegay “Midowga Yurub waxa uu ku baaqayaa in si degdeg ahi loo sii daayo markabka Galaxy Leader iyo 25 shaqaale oo la socda, oo 19-kii bishii November si sharci darro ah looga qabsaday biyaha caalamiga ah ee koonfurta Badda Cas.”

Midowga Yurub ayaa dalalka ugu baaqay in ay ka fogaadaan wax kasta oo suurtagelinaya amaba dhiirigelinaya weerarada Xuuthiyiinta.

“Midowga Yurub wuxuu ka codsanayaa dhammaan dowladaha inay ka fogaadaan u fududeynta ama dhiirigelinta Xuuthiyiinta ee hawlahooda sharci darrada ah.” Ayaa lagu yiri bayaanka ka soo baxay Midowga Yurub.

Xuuthiyiinta Yemen ayaa 9-kii bishan ku dhawaaqay in ay go’doominayaan Dekedaha Israel, iyagoona maraakiibta ganacsiga ku wargeliyay inaanay taggi karin dekedahaasi, haddii kalena ay bartilmaameed noqon doonaan.

Xuuthiyiintu waxay sheegeen in go’doomintaasi ay jiri doonto, illaa iyo inta Israel ay cunaqabateynayso shacabka Falastiiniyiinta ee ku nool Marinka Gaza.

Nagala soo xiriir: dhacdo@gmail.com

You may also like

Nagala soo xiriir: dhacdo@gmail.com

Copyright © 2023 Dhacdo.com All Rights Reserved.

Designed & Developed by  KaDiiL Technology Inc