Home Wararka Caalamka Midowga Yurub oo sheegay in Israel ay amni ka raadineyso meel uusan ka jirin

Midowga Yurub oo sheegay in Israel ay amni ka raadineyso meel uusan ka jirin

by Laacib

Midowga Yurub ayaa cambaareeyay in Israel ay gadaal ka riixeyso qorshe ay deegaamayn cusub uga sameynayso dhulka la haysto ee Falastiiniyiinta.

Madaxa Siyaasadda Arrimaha Dibadda ee Midowga Yurub, Josep Borrell ayaa maanta sheegay in Maamulka Israel uu doonayo in saddex iyo afartan milyan oo dollar uu ku meelgeliyo deegaamayn cusub, oo laga sameynayo dhulka la haysto.

“Aad baan uga naxay markan arkay in Dowladda Israel ay qorsheynayso inay u qoondeyso $43 milyan oo kale, si loo kordhiyo hawlaha dejinta, waana cambaaraynaya.” Ayuu yiri Madaxa Siyaasadda Arrimaha Dibadda ee Midowga Yurub.

Waxa kaloo uu yiri “Tani maaha is difaacid, kamana dhigi doonto Israel mid ammaan ah. Deegaamayntu waa jebin kale oo weyn oo lagu sameynayo sharciga caalamiga ah bani’aadantinimada.”

Isaga oo sii hadlayay ayaa wuxuu yiri “Nabadda Israel iyo Falastiin waxay noqotay muhiim istaraatiijiyadeed oo muhiim u ah dhammaan bulshada Euro-Mediterranean iyo wixii ka dambeeya. Waxaan u baahanahay isbahaysi nabadeed, tanina waa dadaalkeenna.”

Josep Borrell, Madaxa Siyaasadda Arrimaha Dibadda ee Midowga Yurub ayaa sheegay in amniga Israel uu ku xiran yahay in dowlad ay Falastiiniyiinta leeyihiin laga dhiso Marinka Gaza, Daanta Galbeed iyo Bariga Qudus.

Waxa uu sheegay in cadaadiska sii kordhaya ee Israel ku hayso shacabka Falastiiniyiinta ay Daanta Galbeed iyo gobolkaba ka dhigtay mid ay ku soo badanayaan xagjirnimada, isla-markaana ay saameynayso sida uu yiri Yurub.

“Ma jiro ciidan damaanad qaadi kara ammaanka dalka, si ka wanaagsan sida ay nabadda u sugi karto.” Ayuu yiri Josep Borrell.

Borrell ayaa yiri “In dowlad ay leeyihiin Falastiiniyiinta laga dhiso Gaza, Daanta Galbeed iyo Bariga Qudus, waa damaanadda ugu fiican oo keliya amniga muddada dheer ee Israel.”

Borrell ayaa hoosta ka xariiqay in Israel ay amnigeeda ka raadineyso meel uusan ka jirin, isagoona gumeystaha uga digay in xaaladda gobolka uu kaga sii daro.

“Nabad iyo ammaan uma jiri doonto Israel, Dowlad Falastiin la’aanteed ah, waana ognahay waxa ay tani uga dhigan tahay deriska iyo wixii ka dambeeya. Gobolku waa uu ka badbaadi kari waayay Nakba kale, wixii ka dhashana aad bay uga sii darnaan doontaa wax kasta oo aan aragnay.” Ayuu yiri Borrell.

Borrell ayaa dunida ugu baaqay in si dhab ah loogu istaago in Bariga Dhexe laga hirgeliyo laba dowladood, oo ay leeyihiin Falastiiniyiinta iyo Israel, si aynu uga gudubno buu yiri rabshadaha soo noqnoqday.

Nagala soo xiriir: dhacdo@gmail.com

You may also like

Nagala soo xiriir: dhacdo@gmail.com

Copyright © 2023 Dhacdo.com All Rights Reserved.

Designed & Developed by  KaDiiL Technology Inc