Home Wararka Caalamka Midowga Yurub oo si aan looga baran u weeraray Israel

Midowga Yurub oo si aan looga baran u weeraray Israel

by Laacib

Midowga Yurub ayaa ku eedeeyay Israel in ay kaga sii dareyso xaaladda bani’aadantinimo ee Marinka Gaza, ka dib markii ciidamadeeda ay weerar xagga dhulka ah ku qaadeen bariga deegaanka Rafah.

Ciidamada Israel ayaa qabsaday bariga Rafah, taas oo ka dhigan inay la wareegeen maamulka dhinaca Gaza ee xadka Masar.

Madaxa Siyaasadda Arrimaha Dibadda ee Midowga Yurub, Josep Borrell ayaa sheegay in Israel ay iska dhego tirtay dhammaan digniinaha iyo baaqyada caalamiga ah ee looga dalbanayay inaysan weerar ballaaran ku qaadin Rafah.

“Weerarka dhulka ah ee Rafah ayaa bilowday, iyadoo ay jireen codsiyo Beesha Caalamka ka yimid iyo sidoo kale Mareykanka iyo Midowga Yurub.” Ayuu yiri Josep Borrell.

Waxa uu sheegay in Beesha Caalamka, Midowga Yurub iyo Mareykanka ay Raysal Wasaare Benjamin Netanyahu weydiisteen in ciidamadiisa aysan weerarin Rafah, balse uu dhegaha ka fureystay.

“Cid walbaa waxay weydiineysay Netanyahu inuusan weerarin Rafah. Iyadoo ay jireen digniinahaas iyo codsiyadaas ayuu bilowday weerarka lagu qaaday Rafah.” Ayuu yiri Josep Borrell oo cambaareeyay amarka uu Netanyahu ku bixiyay weerarka Rafah.

Josep Borrell ayaa walaac ka muujiyay in Israel ay mar kale dhibaateyso shacabka Falastiiniyiinta, xilli ay Israel ku andacooneyso in ay la dagaalameyso Xamaas.

“Wax kasta oo ay sheegaan, waxaan ka baqayaa in tani ay mar kale keento dhaawacyo badan oo dadka rayidka ah.” Ayuu yiri Borrell.

Isagoo Warbaahinta la hadlayay ayuu yiri “Waxaa jira 600,000 oo carruur ah oo ku sugan Gaza, waxaa lagu riixi doonnaa waxa loogu yeero aagagga nabdoon. Ma jirto aag nabdoon oo Gaza ah.”

Borrell ayaa wax laga xumaado ku tilmaamay inaanan wax heshiis ahi laga gaarin xabad joojinta dagaalka Gaza, waana xilli ay Xamaas sheegtay in ay aqbashay hindisihii ugu dambeeyay ee xabad joojinta, inkastoo ay markan Israel diiday.

“Rabitaanka ah in dagaalka la sii wado ayaa keeni doonta dhibaato bani’aadantinimo oo kale, oo welibana ka weyn sidii hore.” Ayuu yiri Borrell oo durayay go’aanka Israel ee weerarka Rafah.

Borrell ayaa dhinaca kale sheegay in la joogo waqtigii lacagaha dib loogu bilaabi lahaa Hay’adda Qaramada Midoobey U Qaabilsan Gargaarka & Arrimaha Qaxootiga Falastiiniyiinta (UNRWA), taas oo bishii January laga joojiyay miisaaniyaddii tooska ahayd ee la siin jiray, ka dib markii Israel ay 12 ka mid ah Shaqaalaha UNRWA ku eedeysay in ay ka qayb qaateen weerarkii Xamaas ay 7-dii bishii October ka gaysatay dhulka ay maamusho.

Guddi dib-u-eegis oo Qaramada Midoobey ay u xilsaartay howlaha shaqo ee hay’addaasi ayaa ogaaday in UNRWA ay dejisay habab iyo siyaasado lagu hubinayo dhexdhexaadnimada, degdeg ah iyo jawaabo waafi ah oo ku saabsan eedeymaha.

Guddigan oo ay hoggaamineysay Catherine Colonna oo horey u soo noqotay Wasiirka Arrimaha Dibadda Faransiiska ayaa warbixinta ay soo saareen ku sheegay in Israel ay jeedisay eedeymo aan caddeyn lahayn. Guddiga ayaana UNRWA ka fogeeyay inay tahay hay’ad argagixiso. UNRWA waa hay’adda ugu weyn dhanka samafalka ee ka hawlgasha Marinka Gaza.

Dalalka xubnaha ka ah Midowga Yurub ayaa taageeray soo jeedinta ah in dib loo soo celiyo maalgelinta buuxda ee Hay’adda Qaramada Midoobey.

Dhanka kale hay’adaha caalamiga ah ayaa sheegay in xirista la xirayo meel laga soo gudbo koonfurta Marinka Gaza ay ka dhigeyso mid aan suurtagal ahayn in gargaarka la gaarsiiyo dadka rayidka ah ee ku nool dhulka go’doonsan.

Saraakiisha Qaramada Midoobey ayaa Israel ku dhaliilay inaysan ogoleyn in shaqaalaha gurmadka bani’aadantinimo ay ka gudbaan Rafah.

Tani ayaa daba socoto, xilli Israel ay Isniintii xirtay Isgoyska Kerem Shalom oo ku yaala xadka ay la wadaagto Marinka Gaza. Kerem Shalom ayaa ka mid ah meelaha uu ka gudbo gargaarka bani’aadantinimo ee la geeyo Gaza, waana goobta ugu badan ee gargaarka uu ka galo dhulka la go’doomiyay.

Weerarka Israel ee Rafah ayaa imanaya maalmo uun ka dib, markii Qaramada Midoobey ay ku dhawaaqday in macluul ba’an ay ka jirto waqooyiga Marinka Gaza, isla-markaana ay ku fideyso dhanka koonfureed ee Gaza.

Nagala soo xiriir: dhacdo@gmail.com

You may also like

Nagala soo xiriir: dhacdo@gmail.com

Copyright © 2023 Dhacdo.com All Rights Reserved.

Designed & Developed by  KaDiiL Technology Inc