Home Wararka Caalamka Midowga Yurub oo wada hadal la bilaabay Xuuthiyiinta, ka dib hanjabaaddii ka soo yeertay

Midowga Yurub oo wada hadal la bilaabay Xuuthiyiinta, ka dib hanjabaaddii ka soo yeertay

by Laacib

Midowga Yurub ayaa wada hadal ay garwadeen ka tahay Dowladda Norway la bilaabay Xuuthiyiinta Yemen, ka dib markii ay ku hanjabeen in ay beegsan doonaan maraakiibta laga leeyahay dalalka xubnaha ka ah Midowga Yurub.

Hanjabaadda Xuuthiyiinta ayaa ka dambeysay, ka dib gadaal markii Midowga Yurub uu Isniintii ku dhawaaqay in ciidamadoodu ay hawlgalo lagu xaqiijinayo badqabka shixnadaha maraakiibta ay ka bilaabeen Badda Cas.

Saraakiisha Xuuthiyiinta ayaa sheegay in wada hadal wax dhisaya uu u socdo iyaga iyo Midowga Yurub, si aanay faraha uga sii bixin xiisadda Badda Cas.

Hussein Al-Azzi, Wasiir Kuxigeenka Arrimaha Dibadda Xuuthiyiinta ayaa sheegay in dhexdhexaadinta ay garwadeenka tahay Norway uu yahay mid hoos loogu dhigayo xiisadda ka taagan marin biyoodka muhiimka u ah ganacsiga caalamiga ah.

Wasiir Kuxigeenka ayaa sheegay inaanay xoogagooda weerari doonin maraakiibta laga leeyahay Midowga Yurub, haddii aysan Ciidamada Badda ee Midowga Yurub weeraro ku soo qaadin dalkaasi Yemen.

Waxa uu sheegay in maraakiibta dalalka caalamka oo dhan ay mari karaan Badda Cas, marka laga soo taggo kuwooda laga leeyahay Israel, Ingiriiska iyo Mareykanka.

“Maraakiibta Israel, Mareykanka iyo Britain waa laga mamnuucay inay maraan Badda Cas.” Ayuu yiri Hussein Al-Azzi oo gelinkii dambe ee Arbacadii shir jaraa’id ku qabtay Caasimadda Sanca.

Al-Azzi ayaa yiri “Mareykanka iyo Britain maraakiibtooda si xor ah ayay ku mari jireen Badda Cas, ka hor inta aysan duqaymaha ka bilaabin dalkeenna. Mareykanku maanta waxba uma qaban karo maraakiibtiisa.”

Midowga Yurub ayaa Isniintii sheegay in hawlgal loogu magac-daray (Aspides) ay Ciidamada Badda ee Midowga Yurub ka bilaabeen Badda Cas, iyadoo laga hortaggayo weerarada Xuuthiyiinta ee ka dhanka ah xoriyadda socodka ee Badda Cas, taas oo ka careysiisay Xuuthiyiinta, keentayna wada hadalkan u bilowday.

Ganacsiga Midowga Yurub iyo Bariga Fog ee Aasiya ayaa halbowle u ah isu socodka marinada caalamiga ah, iyada oo aysan wax dan ah ugu jirin in la carqaladeeyo maraakiibtooda ka gudbeysa Badda Cas iyo Kanaalka Suweys.

Ciidamada Mareykanka iyo kuwa Ingiriiska oo 12-kii bishii January dalka Yemen ka bilaabay bartilmaameedyo ka dhan ah dhulka ay Xuuthiyiinta maamulaan ayaa uga sii dartay xaaladda marinka mashquulka badan ee Badda Cas.

Mareykanka iyo Ingiriiska ayuu hadafkoodu ahaa in ay meesha ka saaraan hawlgalada ay Xuuthiyiinta ku go’doominayaan Dekedaha Israel, balse ma hakin weerarada Xuuthiyiinta.

Nagala soo xiriir: dhacdo@gmail.com

You may also like

Nagala soo xiriir: dhacdo@gmail.com

Copyright © 2023 Dhacdo.com All Rights Reserved.

Designed & Developed by  KaDiiL Technology Inc