Home Wararka Maanta Miisaaniyadda Dowladda Federaalka ee sanadka 2024 oo noqotay tii ugu badneyd ee la meelmariyo

Miisaaniyadda Dowladda Federaalka ee sanadka 2024 oo noqotay tii ugu badneyd ee la meelmariyo

by Laacib

Golaha Wasiirada Somaliya ayaa caawa ansixiyay Miisaaniyadda Dowladda Federaalka ee sanadka 2024, ka dib shir aan caadi ahayn oo ay ku yeesheen Magaalada Muqdisho.

Golaha Wasiirada ayaa cod aqlabiyad leh ku meelmariyay ku talagalka miisaaniyadda ee sanadka 2024 oo dhan $1,025,687,991 (Hal bilyan iyo shan iyo laabatan milyan oo dollar).

“Miisaaniyadda dowladda ayaa sanadkan gaartay in ka badan hal bilyan oo dollar, taas oo ku timid dakhliga gudaha oo kordhay in ka badan 20%, waxaana ay ahmiyadda saareysaa amniga qaranka iyo horumarinta adeegyada bulshada.” Ayaa lagu yiri war ka soo baxay Xafiiska Raysal Wasaare Xamse Cabdi Barre.

Raysal Wasaare Barre oo shirka guddoominayay ayaa sheegay in miisaaniyaddan ay ka tarjumeyso baahiyaha iyo duruufaha dalka, marka dalka daynta laga cafiyo dhammaadka sanadkana ay sii kordhi doonto, si kor loogu qaado adeegyada ay dowladdu siiso bulshada Soomaaliyeed.

Shirka Golaha Wasiirada ayaa sidoo kale lagu ansixiyay Xeer-nidaamiyaha Dhoofka, Shahaadooyinka & Astaamaha Tayada iyo Xeer-nidaamiyaha Baaritaanka iyo Xaqiijinta Tayo-dhowrka Badeecadaha dalka soo galaya.

Miisaaniyadda caawa la ansixiyay ayaa noqonayso tii ugu badneyd ee la meelmariyo, tan iyo intii dib loo yegleelay Dowladnimada Somaliya, muddo haatan laga joogo 23 sano.

Wadarta guud Miisaaniyadda Dowladda Federaalka ee sanadkan sii dhammaanaya ee 2023 ayaa ahayd $973,985,805.

Nagala soo xiriir: dhacdo@gmail.com

You may also like

Nagala soo xiriir: dhacdo@gmail.com

Copyright © 2023 Dhacdo.com All Rights Reserved.

Designed & Developed by  KaDiiL Technology Inc