Home Wararka Caalamka Militariga Israel oo awaamiir culus duldhigay shacabka ku harsan waqooyiga Gaza

Militariga Israel oo awaamiir culus duldhigay shacabka ku harsan waqooyiga Gaza

by Laacib

Militariga Israel ayaa sheegay inay kordhinayaan weerarada dhinaca cirka ay ka wadaan Marinka Gaza, iyagoona dadka faray in ay ka baxaan waqooyiga magaalada, ayna taggaan dhinaca koonfureed ee magaaladaasi.

Taliska Ciidanka Difaaca Israel ayaa sheegay inay dadka farayaan in ay banneeyaan waqooyiga magaalada, isla-markaana ay u wareegaan koonfurta magaalada.

Taliska ayaa war uu soo saaray ku sheegay in qof kasta oo ku hara waqooyiga Gaza loo tixgelin doono taageere Ururka Xamaas.

“Cid kasta oo digniinta dhegaha ka fureysata waxaa suurtagal ah in loo aqoonsan karo taageere ururka argagixisada ee Xamaas.” Ayaa lagu yiri warka.

Warka ayaa sidoo kale lagu sheegay in joogitaanka dadka ee waqooyiga Gaza ay halis ku tahay noloshooda, isla-markaana aysan haysan waddo aan ahayn in ay isaga baxaan.

“Dadka ku sugan waqooyiga Gaza waxaan u sheegaynaa in joogitaankiina halkaasi ay khatar ku tahay noloshiina. Qof kasta oo doorta inuusan tagin koonfurta Wadi Gaza, waxaa loo aqoonsanaya in uu gacan saar la leeyahay argagixisada.” Ayaa lagu yiri warka.

Digniinta cusub ee ka soo yeertay Israel ayaa imaanaysa, xilli Hoggaamiyeyaasha Bariga Dhexe oo Sabtidii ku kulmay Magaalada Qaahira ay ka diggeen barakacinta khasabka ah ee Tel Aviv ku hayso dadka reer Gaza.

Hoggaamiyeyaasha Carabta ayaa wacad ku maray inaanay aqbali doonin in dadka laga barakiciyo guryahooda, dhulkoodana la qaato.

Dhanka kale Wasaaradda Caafimaadka Gaza ayaa sheegtay in tirada dadka rayidka ah ee lagu dilay duqaymaha ka sii socda Marinka Gaza ay gaartay 4,651 qof, halka 14,245 kalena lagu dhaawacay.

Wasaaradda ayaa warsaxaafadeed ku sheegtay in 24-kii saac ee ugu dambeysay la dilay 266 qof, oo ay ku jiraan 117 carruur ah.

Hay’adda Bisha Cas ee Falastiiniyiinta ayaa sheegtay in goobaha caafimaadka magaalada ay qarka u saaran yihiin in shidaal la’aan ay u xirmaan. Hay’addu waxay sheegtay in gargaarka yar ee la fasaxay aanu qayb ka ahayn shidaalka sida weyn loogu baahan yahay.

Nagala soo xiriir: dhacdo@gmail.com

You may also like

Nagala soo xiriir: dhacdo@gmail.com

Copyright © 2023 Dhacdo.com All Rights Reserved.

Designed & Developed by  KaDiiL Technology Inc