Home Wararka Maanta Militariga Israel oo duqeeyay Xarunta Hay’adda Bisha Cas ee Khan Yunis

Militariga Israel oo duqeeyay Xarunta Hay’adda Bisha Cas ee Khan Yunis

by Laacib

Ciidamada Israel ayaa maanta beegsaday Xarunta Hay’adda Bisha Cas ee Falastiiniyiinta ay ku leedahay galbeedka Khan Yunis, oo ah goob mar sii horreysay dadka loo sheegay inay ammaan tahay.

Wararka ayaa sheegaya in duqaynta ay ka dhacday dabaqa sare ee dhismaha, waxaana uu burbur xoogan ka soo gaaray guud ahaan dhismaha iyo agabkii yiilay.

Hay’adda Bisha Cas ayaa sheegtay in tiro dad ah ay ku waxyeeloobeen weerarkaasi, inkastoo aysan kala caddey inta uu khasaaruhu le’egyahay.

“Tiro dad ah ayay waxyeelo ka soo gaartay duqaynta, kuwaa oo dad barakacayaal ah, iyadoo dhismaha ay ku sugan yihiin kumanaan qof oo barakacayaal ah.” Ayaa lagu yiri qoraal lagu daabacay barta Hay’adda Bisha Cas ee X.

Duqaymaha Israel ee Marinka Gaza ayaa galay maalintii 81aad, waxayna dadku ka dhaxleen dhimasho tiro beel ah iyo inta badan magaaladii oo burburtay.

Iyadoo dadka reer Gaza lagu hayo dil iyo barakacin khasab ah ayaa waxaa u sii dheer in Israel ay ka jartay adeegyadii biyaha, korontada, shidaalka, cunnada iyo sahayda dawada, tani oo ka dhigan in Tel Aviv ay si cad ugu xadgudubtay sharciga caalamiga ah ee bani’aadantinimada iyo kan dagaalka.

Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobey, António Guterres ayaa dhawaan Israel ugu baaqay in ay joojiso ciqaab wadareedka ay ku hayso shacabka aan waxba galabsan.

Dunida ayaa ka walaacsan dembiyada sii kordhaya ee ay Israel ka waddo magaalada muddada dheer go’doonsan, tiiyoo aanay jirin cid kula xisaabtameysa.

Nagala soo xiriir: dhacdo@gmail.com

You may also like

Nagala soo xiriir: dhacdo@gmail.com

Copyright © 2023 Dhacdo.com All Rights Reserved.

Designed & Developed by  KaDiiL Technology Inc