Home Wararka Caalamka Militariga Israel oo hawlgal ballaaran ka wado magaalada la haysto ee Jenin

Militariga Israel oo hawlgal ballaaran ka wado magaalada la haysto ee Jenin

by Laacib

Wararka ka imaanaya Magaalada Jenin ee Daanta Galbeed ee la haysto ayaa sheegaya in Ciidamada Militariga Israel ay hawlgal ballaaran ka wadaan magaaladaasi.

Ciidamada Israel ayaa gudaha ugu jira xerada qaxootiga ee Jenin, waxaana la sheegaya in gaadiidkooda gaashaman ay ku jareen waddooyinka soo gala xeradaasi.

Dadka deegaanka ayaa sheegay in Militariga Israel ay ku hareereysan yihiin isbitaalo iyo guryo la degan yahay, sidoo kalena ay rasaas ku furayn qoys degan mid ka mid ah guryaha la hareereeyay.

Wakaaladda Wararka Falastiiniyiinta ee Wafa ayaa sheegtay in Ciidamada Israel ay weerar ku ekeeyeen guryo ku yaala bariga Jenin, isla-markaana ay cagaf-cagafyo ku burburiyeen baalayaasha korontada iyo kaabeyaasha dhaqaalaha. Wafa ayaa ku warantay in diyaaradaha aan duuliyaha lahayn ee Israel ay duqaymo xoogan ka gaysteen magaalada, isla-markaana ay ku dhaawacmeen sideed qof oo rayid ah.

Muuqaal mar dambe lagu baahiyay barraha bulshada ayaa waxaa ka soo muuqday wiil yar oo isku dayaya in uu rasaasta ka baxsado, ka hor inta aysan xabaddu uga dhicin feeraha. Sidoo kale nin dhallinyaro ah ayaa dhiigbax ugu geeriyooday waddada.

Goobjoogeyaal ayaa sheegaya in xoogaga wax iska caabinta ay hadda u muuqdaan kuwo iska caabinaya Militariga Israel, rasaas xoogana laga maqlayo magaalada.

Wararka ayaa intaasi ku daraya in Ciidamada Israel ay illaa iyo hadda xireen laba nin, oo ay la xiriirinayaan kooxaha wax iska caabinta ee Falastiiniyiinta.

Madaxa Ururka Dhakhaatiirta Aan Xuduudda Lahayn (MSF), Dr. Christos Christou ayaa sheegay in qaar ka mid ah shaqaalahooda ay ku xaniban yihiin magaalada.

Hawlgalkan ayaa daba socdo iska horimaadyo xiriir ah oo maalmihii ugu dambeysay ka dhacayay qaybo ka mida magaalada.

Wasaaradda Caafimaadka Falastiiniyiinta ayaa sheegtay in Ciidamada Israel ay Sabtidii iyo Axaddii ay magaalada ku dileen sideed qof oo shacab ah, oo uu ku jiro dhakhtar 25 jir ah.

Hawlgalka haatan ka socdo Jenin oo bilowday xalay ayaa waxaa ka qayb qaadanaya boqolaal ka mid ah Militariga Israel, oo dhanka cirka ay ka taageerayaan diyaaradahooda dagaalka.

Tel Aviv ayaa kordhisay weeraradeeda Daanta Galbeed, tan iyo wixii ka dambeeyay weerarkii Xamaas ay 7-dii October ka gaysatay dhulka ay Israel maamusho.

In ka badan 330 Falastiiniyiin ah oo ay ku jiraan 53 carruur ah ayaa lagu dilay Daanta Galbeed, ka dib markii Israel ay bilowday weerarada ay sheegtay in ay kaga aargudaneyso weerarkii Xamaas. Ciidamada Israel ayaa sidoo kale Daanta Galbeed ka qabqabtay in ka badan 3,000 oo qof.

Nagala soo xiriir: dhacdo@gmail.com

You may also like

Nagala soo xiriir: dhacdo@gmail.com

Copyright © 2023 Dhacdo.com All Rights Reserved.

Designed & Developed by  KaDiiL Technology Inc