Home Wararka Maanta Militariga Israel oo hawlgalkii ugu ballaarnaa ka wada Daanta Galbeed ee la haysto

Militariga Israel oo hawlgalkii ugu ballaarnaa ka wada Daanta Galbeed ee la haysto

by Laacib

Ciidamada Israel oo gudaha ugu jira Magaalooyinka Falastiiniyiinta ee Daanta Galbeed ee la haysto ayaa ka wada weeraro ay waxyeelo ka soo gaareyso dadka rayidka ah.

Ugu yaraan hal qof ayaa ku dhintay, 15 kalena way ku dhaawacmeen hawlgal ballaaran oo Ciidamada Israel ay ka wadaan Magaalada Ramallah.

Wakaaladda Wararka Falastiiniyiinta ee Wafa ayaa ku warantay in mid ka mid ah dhibaneyaasha la toogtay, intii ay socdeen isku dhacyo dhex maray Ciidamada Israel iyo Falastiiniyiinta meel u dhow Al-Manarah ee bartamaha Magaalada Ramallah.

Wararka ayaa sheegaya in Militariga Israel ay rasaas la dhaceen nin watay gaari, oo marayay xaafadda Al-Tira ee Degmada Ramla (Ramle).

Wafa ayaa sheegtay in Ciidamada Israel ay 9 qof oo kale ku dhaawaceen hawlgal ay ka wadeen Magaalada Halhul, laba kalena ay xireen.

Hay’adda Bisha Cas ee Falastiiniyiinta ayaa sheegtay in Ciidamada Israel ay qof kale ku toogteen Magaalada Nablus.

Warbaahinta Falastiiniyiinta ayaa sheegeysa in saddex qof oo kale ay Ciidamada Israel ku toogteen deegaanka Bani Naim oo u dhow Magaalada Hebron ee koonfurta Daanta Galbeed.

Hebron waxay ka mid tahay meelaha ay Ciidamada Israel hawlgalada xoogooda ay ka sameynayaan, ayna ku bartilmaameedsanayaan dadka ay la xiriirinayaan xoogaga wax iska caabinta.

Wararka ayaa intaasi ku daraya in meelaha kale ee ay Ciidamada Israel hawlgalada ka wadaan ay ka mid yihiin Jenin, Jericho, el-Bireh, Beit Liqya, Sinjil, Rafat, aagagga u dhow Bethlehem iyo Beitunia oo u dhow xabsiga Ofer.

Ciidamada Israel ayaa habeenimadii ugu dambeeyay kordhiyay hawlgalada ay ka sameynayaan Magaalooyinka Daanta Galbeed ee la haysto.

Ka dib weerarkii Xamaas ay ka gaysatay dhulka ay Israel maamusho, Israel ayaa sare u qaadday hawlgaladeeda Daanta Galbeed oo ciidamadeeda ay ku dileen dhowr boqol oo qof, halka kumanaan kalena ay ka soo xirixreen.

Dadka u dhuun-duleela arrimaha Falastiiniyiinta ayaa sheegaya in Tel Aviv ay culeyskii ugu weynaa saareyso Daanta Galbeed, tan iyo sanadkii 1967-kii oo ay xoog ku qabsatay.

Fallanqeeyeyaasha ayaa ku waramaya in Israel ay u muuqato mid ka hortageysa in ay kordhaan isku dhacyada kaga imaanaya Daanta Galbeed, xilli uu socdo dagaalka Gaza, iyada oo dooneysa inay sii haysato dhulka Falastiiniyiinta.

Si kastaba ha-ahaatee Militariga Israel ayaa isku dayaya in ay soo afjaraan xoogaga wax iska caabinta Falastiiniyiinta ee ku sugan Daanta Galbeed, waana awoodda wax iska caabineed ee ay ku guuldareysteen inay ka takhalusaan, ka dib qabsashadoodii dhulka Falastiiiyiinta, muddo haatan laga joogo 56 sano.

Nagala soo xiriir: dhacdo@gmail.com

You may also like

Nagala soo xiriir: dhacdo@gmail.com

Copyright © 2023 Dhacdo.com All Rights Reserved.

Designed & Developed by  KaDiiL Technology Inc