Home Dhacdooyin Militariga Israel oo ku fashilmay inay xoog ku soo furtaan la haysteyaal

Militariga Israel oo ku fashilmay inay xoog ku soo furtaan la haysteyaal

by Laacib

Ciidamada Israel oo ku hawlgalaya xog sirdoon ayaa gelinkii dambe ee Isniintii ku dhaqaaqay guri ku yaala xerada qaxootiga Bureij ee bartamaha Marinka Gaza, halkaasi oo sirdoonkoodu uu ogaaday in lagu hayo qaar ka mid ah la haysteyaasha Israeliyiinta, ee ay Xamaas ku soo qafaalatay weerarkii October 7-deedii ay ka gaysatay dhulka ay Israel maamusho.

Wararka ayaa sheegaya in Ciidamada Israel ay foodda gelin kari waayeen gurigaasi, ka dib markii ay iska caabin xoogan kala kulmeen Xoogaga Xamaas.

Wararka ayaa intaasi ku daraya in dhinacyada uu halkaasi ku dhex maray dagaal hubka noocyadiisa kala duwan la isku adeegsaday, markii dambena ciidamadii weerarka ahaa ay dib ugu laabteen goobihii ay ka soo dhaqaaqeen.

Garabka Militariga Xamaas ee Al-Qassam ayaa sheegay in Ciidamada Israel ay ku fashilmeen isku daygoodii ay ku doonayeen in ay ku soo furtaan la haysteyaasha.

“Ciidamada cadowga si dhuumasho ah ayay ku soo galeen meel ka tirsan xerada qaxootiga ee Bureij, si ay u soo furtaan la haysteyaasha, laakiin mujaahidiinta ayaa fashiliyay weerarkaasi.” Ayaa lagu yiri war ay xalay soo saartay Al-Qassam.

Warka ayaa lagu sheegay “Mujaahidiintu dagaal culus ayay la galeen ciidamadii cadowga, halkaas oo dhimasho iyo dhaawac ay ku gaarsiiyeen.”

Taliska Militariga Israel iyo Maamulka Tel Aviv ayaan weli ka hadlin qorshaha dhicisoobay, ee ay ku doonayaan in ay ku soo furtaan la haysteyaasha.

Xoogaga wax iska caabinta Falastiiniyiinta ayaa la aamisan yahay in ay Marinka Gaza ku hayaan ku dhawaad 136 qof oo Israeliyiin ah.

La haysteyaasha ayaa waxaa ka mid ah qaar badan oo ka tirsan Saraakiisha iyo Ciidamada Israel, oo rag iyo dumarba leh.

Nagala soo xiriir: dhacdo@gmail.com

You may also like

Nagala soo xiriir: dhacdo@gmail.com

Copyright © 2023 Dhacdo.com All Rights Reserved.

Designed & Developed by  KaDiiL Technology Inc