Home Wararka Caalamka Militariga Israel oo ku hanjabay in ay weerarayaan Isbitaalka Al-Qudus ee Gaza

Militariga Israel oo ku hanjabay in ay weerarayaan Isbitaalka Al-Qudus ee Gaza

by Laacib

Militariga Israel ayaa ku hanjabay inaanay iyagu qaadi doonin masuuliyadda wixii cawaaqib ah ee ka dhasha weerar ay suurtagal tahay in ay ka gaystaan Isbitaalka Al-Qudus ee Marinka Gaza, haddii aan laga daadgureyn dadka rayidka ah ee maalmihii ugu dambeysay soo degay.

Adeeggii caafimaadeed ee isbitaalku uu bixinayay ayaa la sheegay inuu istaagay, ka dib markii ay soo wajahday koronto la’aan, waxaana maalmihii la soo dhaafay hoy ka dhigtay dad tiradooda lagu sheegay 12,000 oo qof. Isbitaalkan ayaana ku yaala koonfur galbeed Gaza.

Agaasimaha Isbitaalka Al-Qudus, Dr. Bashar Murad ayaa sheegay in uu wicitaan ka helay Taliska Militariga Israel, ayna u sheegeen maamulka iyo cid kasta oo ku sugan isbitaalkaasi inay banneeyaan.

“Waxay igu amrayn in dadka hoyga ka dhigtay isbitaalka ee guryahooda la burburiyay laga daadgureeyo isbitaalka, lana geeyo jiidda koonfureed ee magaalada ee dhinaca Khan Yunis.” Ayuu yiri Agaasimaha.

Khan Yunis oo 2km u jirta Xeebaha Badda Dhexe (Mediterranean-ka) ayaa waxaa ku taala xero qaxooti, oo dadka Falastiiniyiinta ay degan yihiin.

Agaasimaha ayaa sheegay in Taliska Militariga Israel ay ku soo wargeliyeen in hawlgal laga sameynayo goobta uu isbitaalkaasi ku yaallo.

“Sarkaalka Militariga Israel ka tirsan ee i soo wacay waxaan ugu jawaabay haddii aad dooneyso inaan dadka ka rarno fadlan na siiya basaska lagama maarmaanka ah iyo gaadiidka kale, si aan ugu daadgureyno in ka badan 12,000 oo barakacayaal ah iyo bukaano. Sarkaalkaasi waxa uu igu yiri haddaba waa inaad u adkeysataan cawaaqibka ka dhasha, haddii aad ka bixi weydaan, masuuliyaddana maahan mid aan annagu qaadi doono, ka dibna teleefanka ayuu igu dhigay.” Ayuu yiri Dr. Bashar Murad.

Hay’adda Bisha Cas ee Falastiiniyiinta ayaa sidoo kale xaqiijisay in Militariga Israel ay ku hanjabeen inay beegsan doonaan isbitaalkaasi, xilli ay sheegtay in isbitaalku uu hoy u yahay kumanaan haween iyo carruur barakacayaal ah.

“Illaa 12,000 oo qof oo barakacayaal ah oo ay ku jiraan toddobaatan boqolkiiba (70%) carruur iyo haween ayaa ku sugan khatar dhow, ka dib markii Ciidamada Israel ay ku hanjabeen inay duqayn doonaan Isbitaalka Al-Qudus oo ay dalbanayaan in dadka laga daadgureeyo.” Ayay hay’addu ku sheegtay war ay soo saartay.

Warka hay’adda ayaa lagu yiri “Meeshaan waxay noqon kartaa dambas, haddii hanjabaadahaasi laga dhabeeyo. Ma jirtaa quwad caalami ah oo awood u leh inay joojiso hanjabadaha Ciidamada Israel ee ku wajahan inay beegsanayaan isbitaalada ay ku jiraan dad rayid ah oo aan waxba galabsan?”

Israel ayaa sanadkii 2009 burburisay isbitaalkaasi, ka dib duqayn 22 maalmood socotay oo ciidamadeeda ay Gaza ka gaysteen, inkastoo mar dambe dib u dhis lagu sameeyay.

Haddii Ciidamada Israel ay haatan weeraraan Isbitaalka Al-Qudus ayaa waxa uu noqon doonnaa kiisii 6aad ee ay bartilmaameedsadaan, tan iyo intii ay dib u soo cusboonaatay colaadda labada dhinac.

Ciidamada Israel ayaa habeenkii Talaadadii duqeeyay Isbitaalka Al-Ahli Arab ee koonfurta Gaza, weerarkaas oo ay ku dhinteen dad tiradooda lagu sheegay 500 oo qof.

Ciidamada Israel ayaa sii wada duqaymaha baahsan ee ay ka gaysanayaan Gaza, oo inta la ogyahay ay ku dhinteen 4,137 qof, oo ay ku jiraan 1,524 carruur ah iyo 1,000 haween ah, halka tirada dadka ku dhaawacmayna ay sii caga-cageynayso 13,300 oo qof.

Israel ayaa toddobaadkii hore xoojisay go’doominta ay muddada dheer ku hayso Gaza, iyadoo ka jartay adeeggii biyaha, korontada, sahayda cuntada iyo dawooyinka, waxayna xilligaa sheegtay inaanay magaalada tagi karin gaadiidka sida shidaalka, cuntada iyo dawooyinka, si ay kaga aargudato weerarkii Xoogaga Xamaas ee ay 7-dii bishan ka gaysteen dhulka la haysto.

Madaxa Xuquuqul Insaanka Qaramada Midoobey, Volker Türk ayaa go’doominta dhameystiran ee la geliyay Gaza ku tilmaamay ciqaab wadareed ka dhan ah dadka reer Gaza, isla-markaana ay sharci darro tahay, marka loo eego sida uu yiri sharciga caalamiga ah ee bani’aadantinimada.

Duqaymaha iyo go’doominta Israel ee Marinka Gaza ayaa xaalad bani’aadantinimo ka abuurtay Gaza, taas oo ay qaylo dhaan ka muujinayaan Hay’adaha Qaramada Midoobey.

Nagala soo xiriir: dhacdo@gmail.com

You may also like

Nagala soo xiriir: dhacdo@gmail.com

Copyright © 2023 Dhacdo.com All Rights Reserved.

Designed & Developed by  KaDiiL Technology Inc