Home Wararka Caalamka Militariga Israel oo maalmo gudahood ku dilay 3,000 oo rayid ah

Militariga Israel oo maalmo gudahood ku dilay 3,000 oo rayid ah

by Laacib

Militariga Israel ayaa Sabtidii duqayn culus ka gaystay koonfurta Gaza, gaar ahaan Khan Yunis, maalin ka dib markii Mareykanka uu codka diidmada qayaxan u isticmaalay qaraarkii Qaramada Midoobey ee ku baaqayay xabad joojin degdeg ah oo bani’aadantinimo.

Wasaaradda Caafimaadka ee Xamaas maamusho ayaa xalay sheegtay in tirada dadka rayidka ah ee ku dhintay duqaymaha Israel ay gaartay 17,700 oo qof.

Wasaaradda ayaa sheegtay in inta badan dadkaasi ay yihiin dumar iyo carruur, kuwaa oo wax ay galabsadeen aysan jirin.

Militariga Israel ayaa tan iyo 1-dii bishan dilay 3,000 oo qof oo shacab ah, markaas oo ay dib u bilaabeen hawlgaladooda Gaza.

Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobey, António Guterres ayaa sheegay in dadka reer Gaza ay ku jiraan god dheer oo mugdi ah.

Xoghayaha ayaa bartiisa X ku sheegay in gantaalada Xamaas ku weerareyso Israel aanay Israel qiil uga dhigan karin xadgudubyada ay ka gayneyso Marinka Gaza.

Xoghaye Guterres ayaa muujiyay in Israel ay ku xadgudbeyso sharciga caalamiga ah ee bani’aadantinimada.

Marka laga soo taggo in Ciidamada Israel ay gumaad ka gaysanayaan koonfurta iyo waqooyiga Gaza, haddana Tel Aviv ayaa hortaagan in dadka rayidka ah la gaarsiiyo kaalmada bani’aadantinimo ee ay u baahan yihiin.

Hay’adda Cuntada Adduunka ee WFP ayaa ka digtay in kala bar dadka reer Gaza ay u dhintaan gaajo.

Agaasime Kuxigeenka Hay’adda WFP, Carl Skau ayaa sheegay in waxa ka socdo Gaza ay xaaladda ka dhigtay wax aan macquul ahayn, sida uu yiri.

Carl Skau ayaa sheegay inaanan gargaarka si nabdoon lagu gaarsiin karin Marinka Gaza, shaqaalahoodana ay la kulmayaan cabsigelin iyo fowdo, isla-markaana ay arkayaan shacabka oo wajahaya xaalad quus ah.

Ka dib cadaadis heer caalami ah oo bishii November la saaray Israel ayaa keentay in toddobaad ay xabad joojin ku-meel-gaar ah ka dhaqangasho Marinka Gaza, markaas oo magaalada loo ogolaaday in la geeyo qayb ka mid ah gargaarka sida weyn loogu baahan yahay.

WFP ayaa dalbaneysa in la helo marin labaad oo nabdoon, si wax looga qabto baahida xad dhaafka ah ee ka jirta Marinta Gaza.

Nagala soo xiriir: dhacdo@gmail.com

You may also like

Nagala soo xiriir: dhacdo@gmail.com

Copyright © 2023 Dhacdo.com All Rights Reserved.

Designed & Developed by  KaDiiL Technology Inc