Home Wararka Caalamka Militariga Israel oo shaaciyay in ay dhinteen 31 ka mid ah la haysteyaasha lagu haysto Gaza

Militariga Israel oo shaaciyay in ay dhinteen 31 ka mid ah la haysteyaasha lagu haysto Gaza

by Laacib

Taliska Militariga Israel ayaa xaqiijiyay in 31 ka mid ah la haysteyaashii Israeliyiinta ee lagu haystay Marinka Gaza ay dhinteen.

Dadkan ayaa ka mid ahaa Israeliyiintii ay Xoogaga Xamaas ku soo qafaasheen weerarkii ay 7-dii bishii October ka gaysteen dhulka ay Israel maamusho.

Afhayeenka Militariga Israel, Daniel Hagari ayaa sheegay in ay dhinteen 31 ka mid ah la haysteyaashii ku haray gacanta Ururka Xamaas.

Afhayeenka oo aan kala caddeyn qaabka ay dadkaasi ku dhinteen ayaa xusay in qoysaskooda ay ku wargeliyeen geeridooda.

“Waxaan ku wargelinay 31 qoys in xubnihii qoysaskooda ee la qabtay aysan hadda nooleen, waxaana ku dhawaaqnay inay dhinteen.” Ayuu yiri Afhayeenku.

Raysal Wasaaraha Israel, Benjamin Netanyahu ayaa dhalleeceyn xoog leh kala kulmay, sida maamulkiisa uu u mareeyay arrinta la haysteyaasha.

Netanyaha ayaa hadda lagu cadaadinaya in maamulkiisu uu mudnaanta 1aad ka dhigo, sidii la haysteyaasha ay guryahooda dib ugu soo laaban lahaayeen iyagoo badqaba.

Nagala soo xiriir: dhacdo@gmail.com

You may also like

Nagala soo xiriir: dhacdo@gmail.com

Copyright © 2023 Dhacdo.com All Rights Reserved.

Designed & Developed by  KaDiiL Technology Inc