Home Wararka Caalamka Militariga Israel oo shaaciyay in la soo afjaray hawlgalkii gaarka ee Isbitaalka Nasser

Militariga Israel oo shaaciyay in la soo afjaray hawlgalkii gaarka ee Isbitaalka Nasser

by Laacib

Ciidamada Israel ayaa Axaddii isaga baxay isbitaalka Nasser ee koonfurta Marinka Gaza, ka dib muddo 10 cisho ah oo ay hawlgal ka wadeen isbitaalkaasi.

Isbitaalkan oo ku yaala deegaanka Khan Yunis ayay Ciidamada Israel hawlgal gaar ah ka bilaabeen 15-kii bishan, ka dib markii Taliska Militariga Israel uu sheegay in ay heleen xog sheegeysa in Xoogaga Xamaas ay la haysteyaal Israeliyiin ah iyo weliba meydadka maxaabiis dhintay ku haystaan isbitaalka weyn ee koonfurta Gaza.

Ciidamada Israel ayaa dad fara-badan oo barakacayaal ahaa oo gabaadsanayay isbitaalkaasi ku khasbay in ay banneeyaan.

Taliska Militariga Israel ayaa gelinkii dambe ee Axaddii sheegay in la soo afjaray hawlgalkii gaarka ahaa ay ciidamadoodu ka wadeen isbitaalkaasi.

Taliska ayaan sheegin in muddadii uu hawlgalku socday ay ku soo furteen la haysteyaal Israeliyiin ah.

“Ciidamada ayaa intii uu hawlgalku socday, waxay gacanta ku soo dhigeen dawo aan la isticmaalin oo ku qoran magacyada la haysteyaasha.” Ayaa lagu yiri bayaan ka soo baxay Taliska Militariga Israel.

Bayaanka ayaa lagu sheegay “Ciidamada ayaa waxa kaloo ay gacanta ku soo dhigeen ku dhawaad 200 oo argagixiso iyo dad la tuhunsan yahay, sidoo kale waxaa hawlgalka lagu soo qabtay hub.”

Wasaaradda Caafimaadka Gaza ayaa xaqiijisay in Ciidamada Israel ay banneeyeen isbitaalkaasi, balse ay weli ku sugan yihiin afaafka hore ee isbitaalka.

Wasaaradda ayaa sheegtay in toddobaadkii hore ay 8 bukaan oxygen la’aan ugu geeriyoodeen isbitaalkan, isla-markaana ay Ciidamada Israel jareen korontadii isbitaalkaasi.

Xamaas oo horaan beenisay sheegashada Israel, ee ah in xoogagooda ay isbitaalkaasi ku dhex haystaan maxaabiis Israeliyiin ah ayaa war ay soo saartay ku sheegtay in Israel ay u socoto uun, sidii ay u burburin lahayd isbitaalkaasi.

“Sheegashada cadowga waa mid looga dan leeyahay in lagu qariyo burburinta isbitaalkaasi.” Ayay Xamaas ku sheegtay warkeeda.

Ciidamada Israel ayaa weeraray Isbitaalka Nasser, ka dib dhowr toddobaad oo go’doomin ay ku hayeen.

Isbitaalkan oo ah kan ugu weyn ee ku yaala koonfurta Gaza ayaa adeegga uu bixiyo uu muhiim u ahaa dhaawacyada iyo dadka kale ee bukaan socodka ah.

Nagala soo xiriir: dhacdo@gmail.com

You may also like

Nagala soo xiriir: dhacdo@gmail.com

Copyright © 2023 Dhacdo.com All Rights Reserved.

Designed & Developed by  KaDiiL Technology Inc