Home Wararka Caalamka Militariga Israel oo shacabka ku wargeliyay in ay lafahooda uga la baxsadaan Khan Yunis

Militariga Israel oo shacabka ku wargeliyay in ay lafahooda uga la baxsadaan Khan Yunis

by Laacib

Taliska Militariga Israel ayaa shacabka Falastiiniyiinta ee ku nool deegaanka Khan Yunis ee koonfurta Marinka Gaza ku amray in ay banneeyaan deegaankaasi.

Taliska ayaa shacabka ku wargeliyay in talooyinka la siinayo ay qaataan, isla-markaana ay ka guuraan guryahooda, iyadoona la faray inay taggaan deegaanka Al-Mawasi. Al-Mawasi ayaa ku taala xeebta koonfureed ee Marinka Gaza.

“Waxaa la farayaa dadka degan aagga Khan Yunis ee xaafadaha Al-Nasr, Al-Amal, bartamaha magaalada iyo xerada qaxootiga ee blocks 107-112 inay si degdeg ah sababo ammaan awgood uga baxaan halkaasi, isla-markaana ay arrimo bani’aadantinimo ugu guuraan Al-Mawasi, iyadoo la sii marayo waddada Al-Bahr.” Ayaa lagu yiri war uu talisku soo saaray.

Militariga Israel ayaa marar badan shacabka ugu baaqay inay banneeyaan guryahooda, ayna taggaan meelo ay u sheegeen inay yihiin aagag nabdoon, balse waxay waddooyinka ku duqeeyeen dad barakacayaal ah, kuwo kalena waxay marar fara-badan ku bartilmaameedsadeen meelihii ay dadku u sheegeen inay u guuraan.

Dhanka kale Ciidamada Israel ayaa go’doomiyay Isbitaalka Nasser ee galbeedka Khan Yunis, kaas oo ah xarunta ugu weyn caafimaad ee Gaza ee hartay.

Afhayeenka Wasaaradda Caafimaadka Gaza, Ashraf Al-Qedra ayaa sheegay in gebi ahaanba uu isbitaalkaasi ka dhammaaday cuntada, dawooyinka bukaanada lagu suuxiyo iyo xanuun baabi’iyaha.

“Caqabadahan waxay ka dhasheen go’dooninta la geliyay isbitaalkan, oo adeeg muhiim ah u hayay shacabka.” Ayuu yiri Afhayeenka.

Waxa kaloo uu yiri “Waxaa jira 150 shaqaale caafimaad, 350 bukaan iyo boqolaal qoys oo ku soo barakacay Nasser Medical Complex, oo ku sugan xaalad masiibo ah oo gaajo, beegsi iyo daaweyn la’aan ah.”

Militariga Israel ayaa sidoo kale lagu eedeeyay inay go’doomiyeen Isbitaalka Al-Amal ee Khan Yunis, isla-markaana kuwooda wax toogta ay tooganayaan dadka rayidka ah ee lagu khasbay inay ka baxaan isbitaalkaasi.

Isbitaalkan oo ah Xarunta Hay’adda Bisha Cas Falastiiniyiinta ee koonfurta Marinka Gaza ayaa waxaa muddooyinkii ugu dambeysay gabaad ka dhiganayay dad guryahooda uga soo barakacay duqaymaha joogtada ah ee Israel.

Diyaaradaha dagaalka Israel oo kordhiyay duqaymaha ay ka gaysanayaan aagga isbitaalkaasi ayaa dadkii ku soo barakacay ku riixday in ay mar kale barakacaan.

Dhacdooyinka naxdinta leh ee Gaza ka dhacaya ayay uun ka mid yihiin in la beegsado dadka rayidka ah ee lagu dirqiyay inay ka barakacaan guryahooda iyo kaabeyaashii rayidka ee ay nabadgelyada bideen.

Nagala soo xiriir: dhacdo@gmail.com

You may also like

Nagala soo xiriir: dhacdo@gmail.com

Copyright © 2023 Dhacdo.com All Rights Reserved.

Designed & Developed by  KaDiiL Technology Inc