Home Wararka Caalamka Militariga Israel oo war ka soo saaray khasaaraha askartooda

Militariga Israel oo war ka soo saaray khasaaraha askartooda

by Laacib

Taliska Militariga Israel ayaa ka warbixiyay tirada askarta ee laga dilay iyo kuwa kale ee ka dhaawacantay, tan iyo 7-dii bishii October, markaas oo Xoogaga Xamaas ay weerareen dhulka ay Israel maamusho.

Taliska ayaa sheegay in 509 askari ay dhinteen, muddada uu socdo dagaalkan kala dhaxeeya Ururka Xamaas ee ka arrimiya Marinka Gaza.

Taliska ayaa bayaan ku sheegay 175 askari oo askartaasi ka mid ah lagu dilay Gaza, isla-markaana ay dhinteen wixii ka dambeeyay, ka dib weerarkii dhinaca dhulka ahaa ee ay ciidamadooda ku qaadeen Gaza, October 27-keedii.

Taliska ayaa qirtay in guud ahaan tirada askarta ka dhaawacantay ay tahay 2,309 askari, isla-markaana ay 1,006 ka mid ah ku dhaawacmeen dagaalka Gaza.

Bayaanka ayaa lagu sheegay in 24-kii saac ee ugu dambeysay 19 askari oo ku dhaawacmay dagaalka Gaza la geeyay isbitaalada Israel.

Dhanka kale waxaa aad u sii kordhaya khasaaraha dadka rayidka ah ka soo gaaraya duqaymaha joogtada ah ay Israel ka waddo Marinka Gaza.

Wasaaradda Caafimaadka Gaza ayaa sheegtay in tirada dhimashada shacabka ay gaartay 22,438 qof, dhaawacuna uu ka badan 57,614 qof.

Nagala soo xiriir: dhacdo@gmail.com

You may also like

Nagala soo xiriir: dhacdo@gmail.com

Copyright © 2023 Dhacdo.com All Rights Reserved.

Designed & Developed by  KaDiiL Technology Inc