Home Wararka Maanta Ciidamada Israel oo xoojiyay duqaymaha Gaza

Ciidamada Israel oo xoojiyay duqaymaha Gaza

by Laacib

Waxaa mar kale aad u kordhay khasaaraha dadka rayidka ah ka soo gaaraya duqaymaha xiriirka ah ee Ciidamada Israel ka gaysanayaan Magaalada Gaza.

Wasaaradda Caafimaadka Gaza ayaa sheegtay in tirada dhimashada ay gaartay 20,915 qof iyo 54,918 kale oo ku dhaawacmay weerarada Ciidamada Israel.

Ashraf Al-Qedra, Afhayeenka Wasaaaradda Caafimaadka Gaza ayaa sheegay in 24-kii saac ee la soo dhaafay oo keliya ay duqaymaha ku dhinteen 241 qof, halka 382 kalena ay ku dhaawacmeen.

Taliska Militariga Israel ayaa sheegay in 24-kii saac ee ugu dambeysay ay duqaymo saf ballaaran ka gaysteen Marinka Gaza, isla-markaana ay bartilmaameedsadeen in ka badan 100 goobood.

Taliska ayaa warsaxaafadeed ku sheegay in goobaha weerarada laga fuliyay ay ku jiraan godad dhulka hoostiisa ah iyo dhismayaal ay Xoogaga Xamaas adeegsan jireen.

Weerarada xagga cirka ee Ciidamada Israel ayaa si xoog leh uga socda bartamaha Gaza, oo u dhow xeryaha qaxootiga ee Maghazi, Bureij iyo Nuseirat.

Duqaymaha ayaa sidoo kale laga soo sheegaya deegaanka Rafah ee koonfurta Gaza, halkaas oo kol hore uu Militariga Israel dadka ku amray inay u guuraan, iyagoona ku sheegay aag nabdoon.

Falastiiniyiin fara-badan oo u barakacay Rafah ayaan helin wax badbaado ah, iyada oo ay u nugul yihiin weerarada la kordhiyay.

Afhayeenka Militariga Israel, Daniel Hagari ayaa sheegay inay dardargelinayaan weeraradooda, si ay u ciribtiraan Ururka Xamaas.

Raysal Wasaare Benjamin Netanyahu ayaa Isniintii sheegay in ay burburin doonaan Xamaas, maalmaha soo socdana ay xoojin doonaan dagaalka.

Nagala soo xiriir: dhacdo@gmail.com

You may also like

Nagala soo xiriir: dhacdo@gmail.com

Copyright © 2023 Dhacdo.com All Rights Reserved.

Designed & Developed by  KaDiiL Technology Inc