Home Wararka Caalamka Militariga Niger oo qaatay go’aan ka nixiyay Afrika iyo dunidaba

Militariga Niger oo qaatay go’aan ka nixiyay Afrika iyo dunidaba

by Laacib

Taliska Militariga Niger ee inqilaabka kula wareegay talada dalkaasi ayaa sheegay in ay maxkamadeynayaan Madaxweyne Mohamed Bazoum, si uu u wajaho dacwado ay sheegeen in lagu soo oogayo.

Militariga ayaa 26-kii bishii hore ee July afgembiyay Dowladdii Madaxweynihii keliya Niger ee sida dimqraadiyadda lagu soo doortay. Militariga ayaana tan iyo xilligaa xabsi guri ku hayay Madaxweynaha iyo xubnaha qoyskiisa.

Hoggaamiyaha Militariga ee afgembiga sameeyay, General Abdourahamane Tchiani ayaa sheegay inay uruuriyeen caddeymo ku filan, oo sharciga lagu la tiigsan karo Madaxweynaha xilka laga tuuray iyo kuwa kale ee sida uu yiri la shaqeynayay, waxna u dhimay amniga dalka.

Tani ayaa la sheegay inay caqabad ku tahay dadaaladii socday, ee caalamka uu ku doonayay in xilka dib loogu soo celiyo Madaxweyne Bazoum.

Urur Goboleedka Galbeedka Afrika (ECOWAS) ayaa sheegay inay aad uga naxeen qorshaha uu militariga ku doonayo in lagu maxkamadeeyo Madaxweyne Bazoum.

Ururka ECOWAS ayaa go’aanka Militariga Niger ku tilmaamtay mid liddi ku ah isku dayada socda ee xalka nabadeed lagu raadinayo dalkaasi.

ECOWAS waxa kaloo ay go’aankani la yaabka leh ku qeexday mid ay Taliska Militariga isaga indha tirayaan cadaadiska caalamiga ee looga dalbanayo in ay xukunka dib ugu soo celiyaan dowladdii rayidka ahayd.

Qaramada Midoobey oo walaac ka muujisay warka militariga ayaa ku sheegtay mid aan la aqbali karin. Qaramada Midoobey ayaa ku celisay baaqeedii ahaa in si dhakhsi ah loo sii daayo Madaxweynaha xiran.

Stéphane Dujarric, oo ah Afhayeenka Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobey ayaa sheegay in Xoghaye António Guterres uu ka walaacsan yahay dhacdooyinkii ugu dambeeyay ee dalkaasi.

Stéphane Dujarric oo Warbaahinta kula hadlay Magaalada New York ayaa sheegay inay si aad ah uga walaacsan yihiin xaaladda caafimaad & badqab ee Madaxweyne Bazoum iyo qoyskiisa.

“Mar labaad waxaan ku baaqaynaa in si degdeg oo shuruud la’aan ah loo sii daayo Madaxweynaha, dibna loogu soo celiyo xilkiisii.” Ayuu yiri Dujarric.

Dujarric ayaa sheegay in loo baahan in si dhab ah loogu istaago, halmeelna looga soo wada jeesto dalka Niger, si xaaladda dalkaasi wax looga bedelo.

Wasaaradda Arrimaha Dibadda Mareykanka ayaa walaac ka muujisay, sida ay uga xun tahay in Madaxweynihii kursiga laga tuuray lagu soo oogo dacwado. Mareykanka ayaa dacwadaha lagu soo oogayo Madaxweyne Bazoum ku sheegay kuwo aan qiil loo heli karin.

Hay’adaha Xuquuqul Insaanka ayaa dhankooda sheegay inay ka walaacsan yihiin xaaladda Madaxweyne Bazoum iyo dadka kale ee u xiran Taliska Militariga.

Hay’adda Human Rights Watch waxay sheegtay inay jiraan walaac laga qabo, sida loola dhaqmo maxaabiista.

Walaaca kale ee caalamku qabo ayaa ah, sida loogu kalsoonaan karo maxkamadda la horgaynayo Madaxweynaha.

Madaxweyne Bazoum ayaa xiriir dhow la lahaa Mareykanka iyo Faransiiska, oo iskaashi ay ka lahaayeen la dagaalanka Jihaadiyiinta Gobolka Saaxil ee Afrika.

Si kastaba ha-ahaatee go’aankan uu militarigu qaatay ayaa ah mid aanay meeshaba ka fileynin dunida.

Nagala soo xiriir: dhacdo@gmail.com

You may also like

Nagala soo xiriir: dhacdo@gmail.com

Copyright © 2023 Dhacdo.com All Rights Reserved.

Designed & Developed by  KaDiiL Technology Inc